Baxa oo Banaanka ku ciyaara.

Waxaa layidhi nin duuliya ah ayaa lagu yidhi waxaad qaadaysaa Dhawr Qof oo waawaalan , oo dal hebel ayaad Gaynaysaa waanu qaaday.

Intii uu dhexda Ku sii jiray ayay Diyaaradii ka dhex buuqeen Duuliyina Aadbuu u kar-hay Hadalkoodii.

Midkamida Dadkii ayaa duuliyihii Kusoo dhawaaday wuxuu ku yidhi waxaan doonayaa inaad i Barto sida Diyaarada Loo kexeeyo.?!

Kadib Duuliyihi wuu fikiray wuxuuna ku xidhay Shuruud taas oo ah inuu aamusiiyo dadka diyaarada ka dhex buuqaya.
Waanu aqblay dadkii ayuu marqudha aamusiyay.

Waxaa uu dib ugu soo noqday duuliyihii , duuliyihiina waa uu la yaabay habkii uu dadkii uu u aamusiiyay wuxuu waydiiyay sidee u aamusiisay Dadka.?!

Wuxuu ugu jawaabay waxaan furay daaqada , waxaanan ku idhi Baxa oo banaanka ku ciyaara.!

 

W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker