Xildhibaan Kenyan ah Oo Sheegay in Shacabka Somalida Gobolada NFD loo Hubeeyo Alshabaab

Deegaano ka Tirsan Gobolka Waqooyi bari  ee dalka Kenya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku batay Weerarada ay ka fulinayaan Dagaalyahanada Al Shabaab , waxaana deegaanadaasi dadka kunool lasoo daristay cabsi xoogan.

 

 

Macalimiinta Kenyanka ah ee wax ka dhigi jiray Iskuulada kuyaala Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa bilaabay in ay halkaasi isaga Cararaan, kadib markii Weerar lagu dilay macalimiin wax ka dhigayay iskuulo kuyaala duleedka Gaarisa iyo deegaano kale.

 

 

Magaalada Gaarisa waxaa lagu qabtay kulan lagaga  Arinsanayay sida Looga  hortagi karo weerarada Al Shabaab ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari, waxaana kulanka ka qeyb galay Xildhibaano, Hogaamiyaal iyo Siyaasiyiin gobolka kasoo jeeda.

 

 

Xildhibaan Maxamed Daahiye oo katirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in hada kadib aysan isku haleyn doonin ciidamada amaanka ee Kenya, waxa uuna sheegay in laga shaqeyn doono in dadka deegaanka la hubeeyo si Al Shabaab isaga difaacaan.

 

 

‘Waxaa la go’aansaday in ma’suuliyiiinta Ismaamul Goboleedka iyo shacabkuba ay qeyb ka noqdaan sugidda amniga, waxaa la hubeeynayaa shacabka oo la tabarayaa si ay ula dagaalamaan nimankan argagixida ah oo dhibka badan nagu haya”.ayuu yiri Daahiye.

Al Shabaab ayaa weeraro badan ka fulisay deegaano kuyaala gobolka Waqooyi bari Kenya, waxa ayna Al Shabaab inta badan weeraraan ciidamada booliiska iyo sidoo kale dadka aan Muslimka aheyn ee kunool gobolkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker