Xanuun Cusub oo aan la Garaneynin oo ku faafaya Dalka Shiinaha

Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in 139 kiis oo cusub oo ah Caabuqa aan la garaneynin waxa uu yahay laga helay Dad horleh.

 

Dowladda Shiinaha ayaa sheetay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay kiisaskaas cusub ee caabuqa la helay, taas oo ka dhigan in markii ugu horeysay caabuqa lagu arkay meel ka baxsan magaaladii markii hore lagu arkay ee Wuhan.

Kiisaska cusub ayaa waxaa laga helay magaalooyinka Wuhan, Beijing iyo Shenzhen.

 

 

 

Kiisaska ilaa iyo hadda la Xaqiijiyay ayaa waxaa ay gaarayaan 200 oo  Qof, halka saddex kamid ah dadkaasina ay u dhinteen xanuunka.

Hay’adda caafimmaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Tirada dadka laga helayo caabuqan ay sare usii kaceyso, Sababtuna ay tahay “baadhitaanada la sameynayo”.

 

 

Khubara caafimaad ayaa BBC-da u sheegay in tirada laga yaabo in intaas ay ka badan tahay, maadaama xannunka markii ugu horeysay la arkay dhamaadka sanadkii hore.

Dad gaaraya 170 qof ayaa la sheegay in laga daweynayo xanuunkan, kuwaas oo ay kamid yihiin sagaal qof oo ay xaaladoodu aad u liidato.

 

 

 

Inkastoo aanan si rasmi ah loo ogeyn waxaa sababay caabuqan ayaa haddana hay’adda W.H.O waxaa ay sheegtay in ay u badan tahay in xanuun

 

ka uu yahay mid asal ahaan ka yimid xayawaanka, inkastoo haatan dadka ban’iaadamka ay isu gudbinayaan.

Guddiga caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa waxaa kale oo uu sheegay in xannuunkan uu wali yahay mid laga hortagi karo,lana xakameyn karo.

 

 

 

Waa maxay caabuqan?

 

 

 

.
Tijaabooyin badan oo laga qaaday bukaannada ayaa lagu baaray sheybaarka.

Saraakiisha Shiinaha iyo WHO ayaana sheegaya inay baaritaanka ku heleen in caabuqu uu yahay coronavirus.

Calaamadaha qofka ay ku dhacaan caabuqyadan waxaa ka mid ah hargab, iyo sidoo kale xanuun dhanka sambabbada ah, coronavirus ayaa 774 qof oo ka tirsanaa 8,098 qof oo fayrasku uu ku dhacay ku dilay Shiinaha sanadkii 2002.

Tirada dadka uu soo ritay fayraska ee dalka Shiinaha ayaa ka badan tan rasmiga ah ee ay saraakiisha dalkaas soo saareen, sida ay saynisyahanno BBC da u sheegeen.

 

 

 

Waxaa jiray 45 kiis oo ay sheybaarradu xaqiijiyeen oo fayraska cusub ah, balse khubarrada UK ayaa ku qiyaasaya in tiradu ay tahay ilaa 1,700 oo kiis.

Sidee ayaa tirada loo xisaabiyay?

Tirada waxaa sii kordhiyay kiisaska kale ee laga helay dalalka kale.

 

 

 

Inkastoo fayrasku uu ka dillaacay magaalada Wuhan, waxaa jiray labo kiis oo kale oo laga helay Thailand iyo mid kale oo laga helay Japan.

Way adag tahay in la helo tirada saxda ah, balse bulshada gudaha iyo xogta duullimaadyada ayaa laga heli karaa fakrad ku saabsan caabuqa.

Garoonka Caalamiga ah ee Wuhan ayaa wuxuu u adeegaa ilaa 19 milyan oo qof, balse keliya 3,400 oo keliya ayaa maalin walba safra.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker