Suuqa bacadlahu waa sidee?

Suuqa bacadlahu waa sidee?

Suuqa bacadlaha ee magaalada Hargaysa waxa ka jirta dhaqan aan loo dul qaadan Karin oo aan odhan karo waa dhaqan xumo xadhkaha goosatay islamarkaana u baahan in tallaabo cad laga qaado.

Anigu ma ihi dadka ku badan suuqaas waxa aan u guuray in aan ka soo adeegto mallska ama shopping centers ka, sababta aan u tagi waayey ama xitaa aan uga cagajiido suuqaasna maaha in aan kibray oo ay xoogay lacag ahi ii uruurtay maadama oo ayba ka qaalisan yihiin iyagu laakiin waa cabsi aan u cabsanayo naftayda.

Waxa aydun is weydiinaysaan sababta cabsi nafeed keentay! Suuqa mar allaale marka aad gasho ayaa naf kuugu danbaysa, mid ayaa gacanta kula booddaya, mid kale ayaa shalmadda kaa saaraya amaba xijaabka dacalkiisa ku qabsanaya oo iska kaa laalaadinaya, mid kale ayaa wejiga kaa taabanaya sida dhabanka oo kale, mid kale ayaa isna inta uu sare joogsado oo fadhiga ka kaco ayuu dhabarka kaa guujinayaa, qaarkale ayaa ku xafuujinaya, halka mid kale inta uu dhigo waxa uu faraha ku hayo uu isku deyayo in uu dhunkasho kula laaco amaba uu hawada kuu soo marinayo kii oo makhdaa haya!!

Kuwa afxumada, ilaaqda iyo baaqa wada ee haddii aad dhaafto meheradda ay joogaan kuba caayayaa timahaa iyo cadadkaa way ka badan yihiin iyagu xisaabna malaha.

Iyagu uma kala aabbeyeelayaan inan dhallinyaro ah iyo maamo weyn midna ee muhiimaddu waa in ay gabadh tahay, haba laakiin ugu darnaadaan hablahu e.

Idinka oo koox dumar ah, ama adiga oo keligaa ah, amabase adiga oo walaal kaa la socda midna lagu nabadgelin maayo. Iyagu waa kuwii kugu dhegdhega kuna afxumeeyo.

Aragti ahaantayda dhibkan waxa sii ballaadhiyey waa dumarka oo aan marnaba ka hadal oo ka xishoonaya nin baa i qabsaday laakiin waa sun innagu faaftay oo ninba ninka kale gaadhsiiyey oo ku tacalimiyey sababta oo ah marka gabadh uu nin qabqabsado ee ay ka hadli weydo ee kii sharciga la marin waayo ninkasta oo kale isna ku dhiirrinaya.

Arrintan aan maanta ka hadlayo waxa ka markhaati ah oo ii markhaati furi doona gabadh kasta oo suuqaas maalin uun dan u yeelatay iyo weliba wiilkasta oo dhexmaray mar uun!  Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba waa arrin innagu lid ah!

Maanta aan gaadhsiino arrintan laga aamusay cidda ay sharci ahaan khusayso oo ay ugu horreeyaan ciidanka booliska ee uu taliyaha u yahay taliye Dabagale. Taliye adiga iyo ciidaankaaga ayaan ashakto u nahay ee arrinkaa fadlan wax ka qabo. Haddii ay arrintu sidan ku socoto dumar ahaan waxa aan samayn doonnaa mudaharaad silmi ah oo aan dareenkayaga ku soo bandhigayno kuna garnaqsanayno.

 

Fadlan haddii aad ka damqatay tacadigan joogtada ah amaba aad ka mid tahay kuwa tacadigani ku dhacay gaadhsii qoraalkaygan ciidanka booliska iyo qof kasta oo aad isleedahay waa ay khusaysaa. Mahadsanid!

 

Farax Ayaanle Dayaxweerar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker