Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha iyo Suuqa Kala Iibsiga

Marcus Rashfrod ayaa farriin qiiro leh u diray taageereyaasha Manchester United kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay kualnkii ay xalay 1-0 kaga adkaadeen Wolves oo ay ugu gudbeen wareegga afraad ee FA Cup.

Rashford ayaa beddel kusoo galay qaybtii dambe, waxaana uu baxay inyar markii uu ku jiray garoonka, laakiin waxa uu qayb ka geystay goolkii kooxdiisa ka caawiyey inay u gudubto wareegga afraad ee FA Cup.

Marcus ayaa dhulka ku dhacay xilli ay hirdamayeen Matt Doherty oo ka tirsan Wolves, waxaana uu markiba is qabtay dhabarka, taas oo keentay in dhakhaatiirta kooxdu ay gudaha garoonka ugu yimaaddaan, kuwaas oo isla markiiba dibedda uga saaray garoonka.

Dhaawacan oo shaki gelinaya in uu ciyaari doono kulanka Axadda ay kooxdiisu martida ugu noqon doonto Liverpool Axadda soo aaddan, iyadoo haddaba ay soo baxayaan waraar is khilaafsan oo u badinaya in uu laacibkani seegi doono kulankaas.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker