Baarlamaanka Carabta Oo Taageero Siinaya Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku Bahoobay Jaamacadda Carabta oo Shalayto lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray Bayaan lagu Taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya.

 

Bayaanka lagu Taageerayo  Soomaaliya  oo gundhig u ah Horumarka dhinacyada badan leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay ayaa mar kale lagu caddeeyay in ay Jaamacadda Carabtu Difaaceyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxaana lagu cambaareeyay faragalinta shisheeye ee Wadankaas Lagu Hayo.

 

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horay u Taageeray Horumarrada ay sameysay Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka hor timid faragelinta banaanka kaga imanaysa, taas oo dhaawac ku ah Qarannimada Soomaaliya. Ayaa lagu yidhi Bayaanka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker