Jeneraal Xaftar oo Laga Codsanayday inuu Ka Qayb-galo Shirka Berlin

 

Wasiirka Arrimaha dibedda Germany ayaa maanta Tegaya dalka Libya, si uu jeneralka fallaagada ah ee Khalifa Haftar uga dhaadhiciyo inuu kasoo qeyb galo shir caalami ah oo lagaga hadlayo Dagaalka Libya.

 

 

Heiko Maas ayaa sheegay in shirka Berlin Loo Mudeeyay  Axadda – uu yahay “Jaanis kii ugu  wanaagsanaa ee Lagaga Hadlayo Xaalada Libya.

 

ee soo marta wada-hadallada nabadda Libya.

 

oo qalaalse ay ka jireen tan iyo sanaddii 2011, markaas oo kacdoon dhacay uu horseeday in la dilo madaxweyne Moamer Kadhafi.

 

Maas ayaa Haftar kula kulmaya magaalada Benghazi – oo ah mid ka mid ah goobaha uu ku xooggan yahay jeneralka – maalmo kadib markii uu la kulmay Fayez al-Sarraj oo ninka ay loolamaan Haftar ee ra’iisul wasaaraha ka ah dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli.

 

 

Dowladda Sarraj ayaa waxaa ku socday weerar kaga imanaya ciidamada Haftar tan iyo bishii April, ayada oo isku dhacyada labada dhinac ay ku dhintaan 280 qof oo shacab ah iyo in ka badan 2,000 oo dagaalyahan, halka kumanaan kale ay ku barakaceen.

 

 

Haftar, oo ah taliyaha Ciidamada Qaranka Libya, ayaa Talaadadii kasoo tagay magaalada Moscow, isaga oo aan saxiixin heshiis la qoray kadib wada-hadallo Russia ka dhacay Isniintii, oo aan toos ahayn, kuwaas oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Serraj.

 

 

Serraj, oo ciidamadiisa ay ku adkaatay inay haliyaan weerarada ciidamada Haftar, ayaa heshiiska saxiixay kadib wada-hadallada oo socday sideed saac,

 

sida uu Isniintii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Russia Sergei Lavrov.

 

 

Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa Sabtidii sheegtay in shir-madaxeed ku saabsan arrimaha Libya ay Axadda soo aadan la yeelan doonto madaxda Russia, Turkey iyo Italy.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker