Soomalida Iyo Hees Hawleedka Lo’da

Marka la amaanayo lo’da ayaa loogu heesaa oo layidhaahdaa waxaad moodayey dhalashadaadii wiil:

Wanaagsane weris
Weyl uu xalay dhalay
Wiil lamoodyoo
Loo wanqali gaadh.

Marka ay ooman tahay lo’du ayaa loogu heesaa oo layidhaahdaa habeenkii ma soconkarayside yaan waraabuhu meelahaa kaa helin:

Diinoow dhaxan gude
Dhawrsan mayside
Yaan dhurwaayadu
Dhexda kaa helin
Oo ku dhaawicin.

Markale ayaa layidhaahdaa marka la waraabinayo ceelka ha istaagine soo gal oo kaalin laga cabayo imow:

Sidii sac eryo ah
Aan irmaanayn
Aan nin lihi wadin
Ha il tuugine
Kaalinka imoow.

Markale ayaa ay ku tilmaamaan saca bakhayl aan waxba ureebin xataa baalalayda shimbiraha:

Waa bakhayloo
Waysha balaliyo
Baalalayda ceel
Biyo ugama tago.

Markale ayey ku caayaan inu yahay haraa (neef lo’da ka hadha)oo biyahana kahor caba waxaanay yidhaahdaan:

Hoog inaad tahay
Oo haraa tahay
Aad lo’da hirdido
Aad ka hor cabtana
Sideed isugu heli.

Markale ayaa ay samir siiyaan lo’da marka ay xili jiilaala tahaye oo ay ku yidhaahdaan roob baa laynoo sheegee khayr fisha:

Xaylo duugii
Kuu xidigin jiray
Xareed baridiyo
Xays inoo sheeg.

Markale ayaa ay ku canaantaan inaanu sacu dhana ku wanaagsanayn hilib iyo maalistoona waxaanay ku yidhaahdaan:

Muquuniyo bixin
Maalis iyo hilib
Waan ismudanoo
Wallee magadoow
Midna kuma samid.

Markale ayaa ay isula eekaadaan buufimada birta lagu dhalaaliyo marka uu sacu daaqayo buuftiisa waxaanay yidhaahdaan:

Sidii buufimo
Birta loo dhiagay
Bay hagoogow
Buuf tumaale ah.

Markale iyagoo isbarbar dhigaya gabadhada gaarida ah ee hawlkarka ah iyo sac wanaagsan ee caanaha badan sida labadooduba udhalaalaan ayaa ay yidhaahdaan:

Sacii dhiiniyo
Naag dhabeelina
Way dhalaalaan
Sacii booriyo
Naag basariyana
Bawdadaa weyn
Oo bogaa shilis.

Markale ayaa ay isbar bar dhigaan gabadha xaaska ah iyo saca dhalay sida ay feedhuhu uxayuubsamayaan waxaanay yidhaahdaan:

Xay cadkaagiyo
Naagtii xaasana
Feedhahaa xagan
Oo xayuubsama.

Markale ayaa ay u sheegaan lo’da inay waqti abaara tahay oo roob, baad, biyo toona jirine calaacalka ay joojiyaan oo cawadooda sugaan:

Cirku caad maleh
Ceelku biyo maleh
Dhulku caws maleh
Kaagan ciyayow
Calaacalayaa
Muu cawadii sugo.

Markale ayaa ay ku yidhaahdaan caanahaaga iyo gabadh weynaatay ciidan keedu (waxtarkeedu waa bar kumataal):

Caanahaagiyo
Ciidan gabadhweyn
Waa caleen haddi
Oon ciyoon dhace.

Markale ayaa ay yidhaahdaan hadii lo’du biyo hesho, cawsna hesho caydh markaa waad kala tagteen:

Haduu ceelkiyo
Cawska tiigsado
Oo cagoog maro
Oo cidiyo jabo
Caro gaajoow
Caydhi goyn noqoy.

Markale iyagoo wax usheegaya lo’da ayaa ay yidhaahdaan buurta buur dhudub ee dooga badan biciidka la daaq:

Buurta buur dhudub
Ee butada badan
Banka laba geed
Wiil barbaariyo
Biciid kula miro

Markale ayaa ay ku yidhaahdaan waan gadhaystay oon gaboobay oo maan guursan sidaana waxa ii galay yaanad gaajoon:

Gabow baan ahay
Oo gadhkay maray
Oo ma guursado
Saa wax ii galay
Yuusan gorod yari
Yuusan gubanoo
Yuusan gaajoon.

 

Waxa Qorey:Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)
Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com     Ama 0634240189

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker