Siyaasi Dhoolayare Ayaa Ammaanay Dedeeladda Uu Wado Taliyaha Ciidamadda Boolisku Iyo Askari Ka Tirsan Taarikadda Oo Uu Shaqo-Wanaag Ku Majiirtay

Qoraal uu Baahiyay Siyaasi Aaddan Ahmed Cilmi Dhoolayare Oo xilal wasiirnimo kasoo qabtay Somaliland,Ayaa waxa uu si weyn Ugu Ammaanay is-bedeladda uu Haatan Taliyaha Ciidamadda Boolisku,Maxamed Saqadhi Dabagaale uu ku Wado Booliska Somaliland.

Waxa uu Sheegay inay ciidanka Boolisku shaqo adag Qaranka u hayaan,iyaga Oo dhaqaalaha ay qaataan uu aad u hooseeyo,Waxaana uu tusaale Shaqo-Wanaag Ciidamadda Booliska u Soo qaatay mid ka mid ah Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka.

Qoraalka Ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:

 

Ninkani waa askari ka tirsan cidamada wadooyinka ee Somaliland. Waa askari hawl kar ah runti waxaan arkay inuu yahay askari daacad u ah shaqadiisa. Waxaynu ognahay in guud ahaan cidamada boolisku wakhti kasta ku hawlan yihiin shaqada qaranka.

Waxaynu ognahay inaanay ku filnayn mushaharka la siiyay inaanay lahayn guryo dawladeed oo ay ku nool yihiin xaasaskoodu taas waxay kala siman yihiin guud ciidamada qaranka oo dhan.

Waxaan halkan mahad naq iyo hambalyo weyn ugu soo gudbinaya taliyaha guud ee booliska sida wanaagsan ee uu ilaa imaka u wado hawl maalimeedka shaqadiisa oo aan arko mar walba inuu guubaabo iyo tababar iyo feejignaan dheeraad ah iyo hami uu ku abuurayo sidii bilaysku ugu tar tami lahaayeen hawl karnimo,daacad nimo iyo shaqo wanaag ku heli doonaan wax qabadkooda, haday tahay dalaacad iyo abaal marino lagu gudoonsiin doono xumaan iyo wanaag wixii ay la yimaadaan.

Taasi waa sidii lagu yaqaanay shaqo ciidan oo ka madax banaan faro gelin siyaasadeed iyo qabyaalad waana sida ciidan iyo bulsho caafimaad qabta lagu horumarin karo.

Run ahaanti mudadii yarayd ee uu joogay taliyaha cusub ee boolisku wuxuu la yimid afkaar saliim ah oo caafimaad qabta oo hidi diilo gelin karta booliska iyo rajo wacan oo niyadda gelin doonaan inay wax ku heli doonaan siday u gutaan waajibkooda.

Hadaba dhamaan shacabka Somaliland waxaan u sheegay aniga oo og inay si weyn ula shaqeeyaan booliska oo aanay bookisku shaqayn kareen shacabka la’aantooda inay gudbiyaan oo ay hambal yeeyaan oo ay tilmaaman askari kasta wanaagiisa iyo xumaantiisa taas ayaynu ku helayn bilays wanaagsan iyo shacab wadaniyiin ah.

Aan u soo noqdo askariga traafikada ah waa nin hawl kara oo daacad ah oo mudan abaal marin.

Waxaan xusaya ilaahay ha u naxariistee Janaraal Saqadhi Dubad oo ah taliye qiimo badan oo kala ogaa hawsha iyo wax qabadka ciidamada booliska waxaan xasuusta isaga oo gaadhi yar oo private ah wata oo aan la ogayn uu kormeeeri jiray shaqada booliska ilaahay ha u naxariisto.

Waxaan rajo weyn ka qaba in taliyaha guud ee boolisku Janaraal Daba gale uu guul ka gaadhi doona hawsha uu u hayo qaranka.

Waan hambal yaynaya taliyaha guud ee booliska waxaanan ka codsanaya inuu askariga taraafikada ah ee shaqada wanaagsan u haya umadda.

Aden Dholayare

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker