Roobab Dabaylo Watta Oo Kusoo Wajahan Deegaanada Xeebaha Puntland.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ayaa soo saaray digniin la xidhiidha roobab dabaylo watta oo ku soo wajahan qaar ka mid ah deegaanada Puntland.

 

Digniin Waxaa Looga Digayaa Dadka Deegaada Xeebaha Degan inay Ka Digtoonaadaan Roobab Dabaylo Wata oo Kusoo Foodleh Xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

 

” Dabaylo xoogan ayaa ka dhacaya baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas Dabaylaha ayaa ku socda xawaare sare oo ah 36KM/H ilaa 40KM/H, Dabaylahaasi waxay kasoo kaceen dhinaca waqooyi galbeed iyagoo usii jeeda dhinaca bariga, waxaanay cumiladu saadaasha Hawada ay sheegeen in muddo sadex cisho ah 12-14 Jan-2020 ay kusoo foodleeh yihiin Xeebaha Puntland” ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaarada Arimaha Gudaha.

 

Wasaaradu waxay u digray dhamaan kaluumaystada iyo dadka ka agdhaw xeebaha ” waxaa looga digayaa dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker