MAXAMOUD XAASHI OO RUBUC KULMIYE AHI XAFLAD KASTA KUSOO DHOWEYNAYAAN AYAA EUROPE KA DHACDAY.

Maxamoud  Xaashi  waa nin Somalilander ah oo hankiisa Gudoomiyaha Kulmiye xaq u leh inuu Madaxweyne isu  sharaxona xaq u leh sida ragga kalee isu sharaxayaba. Socdaalkiisan Yurub ee is muujintiisa inuu Gudoomiyaha  Kilmiye sharaxanyey iyo Khudbadihiisa waxaa ka dhex muuqday  afar dhaliilood oo aad u waaweyn  laakiin uu u  babac shigi karo dhammaantood.

 

1- Markii dhawr asbuuc ka hor  uu is muujiyey inuu u sharaxanyey Gudoomiyaha Kulmiye  markiiba Madaxweyne Muse Biixi wuxuu sida jinka uga dhex hadley Gudoomiye ku xigeenka KULMIYE ee ina DHAANDHEERE oo wuxuu yidhi Maxamoud Xaashi golaha dhexe ee Kulmiye kuma jiro isla markaa hogaanka Kulmiye na kuma jiro taasoo ay ka dhex muuqanayso in hadduu golaha dhexe ee Kulmiye ku jiro  waanu ka tuuri doonnaa sidii ina geeljire iyo qaar kaleba aannu uga saarray waxaa kaluu sii raaciyey golaha dhexaa Kilmiye la iska soo sharaxaa Facebook ga la iskama sharaxo. Arintaasi waa dhirbaaxo siyaasi ah uu xambaarsanyey Mudane Maxamed Xaashi laakiin mar qudha khudbadihiisa Yurub muu soo hadal qaadin.
2- Kulmiye Meel walba waxaa kusoo dhoweynayey oo  ficil Hadley intii Siilaanyo la socotay rubuceed oo weliba  dadkii qaadaa ma dhergaanka ahaa ee  shaqaale hoosaad la ahaa  oo wadan qudha  qammaamuurtii Kulmiye may  soo dhoweynayn taasina macne weyn bay u samayneysaa  dadka siyaasadda  mashqaceeya.
3- Dawladdii iyo wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo inuu cid kasoo kaxaystay ahayd  oo aanuu qof firdhada u e kaan oo xitaa Suldaanadiisii uu Buurmadaw ka mid ahaa ay qaar hankiisa kula socdaan laakiin keligii oo cad oo madaw inuu kaambaynka bilaabo ma ahayn qudheeda halkaa waxbaa jira.
4 – Ta labaad khudbadihiisu ma laha political motivation soo bandhigiya waxyaaluhuu u soo qabtay ummadda reer SOMALILAND een guud ahaan ahayn sida shaqo qoriddiisii Madaarka iyo Madaxtooyada oo dad kala duwan wax u qabtay waayo waxaa aad loogu sheegaa inuu meel walba caruurtoodiiyo aqoon lahayn ka buux dhaafiyey taana hadduu hayo wax uu isku baraxo waa inuu khudbadihiisa run badan ku soo daraa wax baanay ka taraysaa xagga taageerada maanta uu rabo.
5- Ta shannaad waa maxay Gudoomiye nimada Kilmiye ee nin keligii doonaayaa miyaanay dadkale doonanayn mise waqtigii may gaadhine Maxamoud Xaashi wuxuu sii  sheegayaa inaan xagga Xukuumadda looga ogolayn oo  xoog buu sii urursanayaa iyo xoolo.  Suaalo badan baa taagan siyaasadda Maxamoud Xaashi laakiin  qof waliba sibuu u dagaal galaaye usagaa is badiya.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker