Imaam Guursaday Nin Uu U Maleynayay inuu Yahay Haweeney

Imaam u dhashay waddanka Uganda, oo ka mid ah wadaaddada ugu caansan dalkaas ayaa xiriirka loo jaray ka dib markii “uu guursaday nin uu u maleynayay inuu yahay haweeney”, sida uu qoray wargeyska Daily Monitor.

Sheekh Maxamed Mutumba ayaa argagaxay markii uu ogaaday in qofka xijaabka xiran ee uu u heystay xaaskiisa uu yahay nin lagu magacaabo Richard Tumushabe.

 

Wadaadkan, oo sida la sheegay la khiyaanay, ayaa u maleynayay inuu guursaday haweeney la yiraahdo Swabullah Nabukeera, sida uu faahfaahiyay wargeyska.

 

Xogtan, oo sheekadeeda si weyn loo hadal hayay maalmihii lasoo dhaafay, ayaa lagu sheegay in khiyaanada shaaca laga qaaday ka dib markii ay boolisku xireen Tumushabe, oo lagu tuhmay inuu telefishin iyo dhar ka xaday guri daris la ah guriga cusub ee xaas ahaanta loo dajiyay.

 

“Haweeney askariyad ah oo ka tirsan booliska oo howlahooda caadiga ah ku guda jira, ayaa baaritaan ku sameysay “qof dumar ah”, oo markii dambe xabsiga saldhigga la geeyay. Hase ahaatee waxaa la argagaxay markii baaritaanno dheeri ah lagu sameeyay oo la fahmay in qofkii dumarka loo maleynayay uu yahay nin isqarinayay”, sidaas waxaa yidhi Mr Mugera, oo uu soo xigtay wargeyska.

Sheekh Mutunba – oo imaam ka ah masaajid ku yaalla xaafadda Kyampisi, oo qiyaastii 100km (62 miles) dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Kampala – ayuu wargeysku sheegay inuusan gogol la wadaagin qofka uu u heystay xaaskiisa cusub, ka dib markii ninka haweeneyda iskadhigayay uu u sheegay inuu caado qabo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker