Oodweyne News - Latest Somali News Update

Doorkii Aqoonyahankaan Tabayaa!!!!! W/Q Cumar Dheeg

Maqaalkanu wuxu jawaab u yahay mid uu aqoonyahan Rashid Cabdilahi qorey oo shabakadaha qaar dhowaan lagusoo daabacay, cunwaankiisuna ahaa: ISKUMARANTA RUN IYO BEEN: DHIBAATADA ISAFGARANWAAGA SOMALIDA.

RUNTA & BEENTU waa waaqici jira oo is-garab ordaya oo aan cidina kala fogeyn kareyn, waanu soo jiray waanu jiri doonaa. Waana la arkaa kol kol in ay isu marmaan oo ay adkaato sida loo kala saaraa. Arrintaasuna maaha mid qoomiyadda Somalida uun ku gaar ah ee waa mid aynu aduunyada la wadaagno. Sidaa maqaalka Mudane Rashiid ku xusan, haddii ay taasu sobob u tahay is-afgaranwaaga Somalida maxay sidaasu uga dhici wayaday ummaddaha kale dhexdooda?

Anigu waxan qabaa dhibaatada iyo is-afgaranwaaga Somalidu in beenta & runta isku mulaaqan aanu aheyn oo uu ka weynyahay. Dhibaatada Somalida, waliba aan kala qaadee ta Somaliland, waxa ay isugusoo biyo shubaneysaa aqoonyahankeedii oo xikiisii gabay oo ku saaqiday in uu furdaamiyo ummada oo uu ka gudbiyo halkii ay soo gaadhsiiyeen awoowyaasheen. Aqoonyahankii Somaliland wuxu la iman kari waayey hal abuur cusub oo ka duwan kii waqtigiisu dhacay ee awoowyaasheen, ee ahaa qabyaalad iyo qolo qolada. Habdhaqankaas oo maanta aan keeni karaheyn horumar intaa dhaafsiisan, hadaanu burburinba inta la haysto. Nidaamkaa awoowyaasheen kusoo dhaqmayeen waayihiisuu lahaayoo ma jirrin bedaal kale oo lagu badbaadaa. Dhibaatadu waxa ay ka jirtaa aqoonyahankii oo halkii uu tab iyo nidaam cusub la iman lahaa isagiina qoorta sudhay nidaamkii gaboobay ee awoowyaasheen, oo waliba been ka sheego oo uu yidhaa wax ka duwan keenii hore ayaan hayaa.

Waxa aynu ka gudhanahy aqoonyahan naftii hure ah oo waqtigiisa, awoodiisa iyo maalkiisaba u hibeeya ummadda horumarkeeda In badanbaan arkaa kuwo aqoonyahan isu sheega oo ka sheekeynaya dhibaatooyinka ina shakaalay ee aynu ka nuuxsan laanahay oo waxay ku taliyaan in dabaradaa oo la iska furo mooyaane waxba hagaageyn, laakiin lagama maqal iyagoo soo bandhigaya habkii la isaga fufuri lahaa ama ugu yaraan la iskaga dabcin lahaaba.

.
Tusaalooyinbaan soo taxayaa aan is-leeyahay markhaatay u noqonayaan fikirkeygan:
Xusbiyo siyaasadeed ayaa ka hana qaaday wadanka waxana inta badan gadhwadeen ka noqda kuwo isu-sheega aqoonyahano. Nasiib darro xusbiyadaasu waxa ay ku sar go’anyihiin oo ay ku qotomaan hab qabiil. Aqoonyahanadeenii waxay la iman kari waayeen in xusbiyada ka duwaan in uu reer ku abtirsado. Dabadeed kolka uu xukunka qabtana xukuumadii waxay ku sifoobeysaa tu reer leeyihiin. Dimuqraadiyada aynu leenahay waan qaadanay ma dabbaqmayso kol haddii sidaa aynu u dhaqmeyno. Midda kale shardi maaha, oo waxyi Eebe maaha, in ay isu daalino hab halabuurkiisu soo galeeti inagu yahay oo aynu aragnay in aanu ina dhaqeyn oo aanu ina wadeyn. Waxa loo baahanyahay in aqoonyahankeenu inoo keeno nidaam kale oo ka duwan kan aynu ku tumanay ee aynaan u wadin sidii ay dhigeen kuwii soo sameystay. Waxa kasii daran aqoonyahankeenii wuxu la yimid in uu isku wado kii qabyaalada iyo ka reer galbeedka lagasoo ergistay ee dimuqraadiyadda. Labadaasuna isma gayaan oo waa dab iyo dhagax, xerona ma wada gali karaan oo isma ogola. Haddii la damco in khasab la isu ogoleysiiyo labadaa nidaam waa lagu hodmayaa oo jahawareer ayaa dhacaya. Waa sida ay u eegtahay siyaasada maanta ka jirta Somaliland Somalida kalena waabay inagasii liidataaba.

 

Dhaqashada xoolaheena wali waxa aynu u dhaqanaa sidii qarniyo loo dhaqi jiray, Taasina mid waqtigan xaadirka suurta gal ah maaha waayo xoolaha waa la foofin jirayoo maanta ma hayno meel loo dareersho oo meel walba cidbaa sheegatay. Aqoonyahankii iyadana la iman hab kale oo casriya oo kaa ka duwan. Beerihii waxa loo qotaa sidii kumanaan sano ka hor loo fallan jiray, lama hayo aqoonyahankeenii wuxu kusoo kordhiyey. Kheyraadka badda cidi umay dhaqaaqin oo kuwa aqoonta is-biday dhankaa way ka maqanyihiin. Harraadka iyo abaaarha soo noqnoqda xal uma hayaan aqoonyahneenkeenu.

Dhaqaalaha wadanku fadhiisan maayo oo waa khamaar inta aan la furdaamin sarrifka doolarka oo si aan caadi aheyn isu bed bedela. Aqoonyankii Somaliland ee la yidhaa jaamacadaha ugu waaweyn ee aduunyaduu kasoo qallin jabiyey lagama hellin in uu inoo keeno xal lagu hagayo dhaqaalaha wadanka ee la daalaa dhacaya sarrifka doolarka. Wali waxa loo ganacsadaa sidii qarniyo wax loo kala iibsan jiray.

 

Laba aafo ayaa ummadda curyaamiyey. Mid waa taa aan wax kasoo yara taataabtay oo ah QABYAALADDA.
Ta kalena waa QAADKA oo iyada lafteedu aqoonyahankeenu inoo keenin xal lagu xakameynayo. Sida ay u eegtahay ummaddu way isu dhiibtay Qaadka. Waan ogolaanay dhibaatadiisa oo wuxu noqday mid ka mid ah nolosheena asaasiga. Aqoonyahan ummadda usoo bandhigay sidii la iskaga furdaamin lahaa ma hayno. Culimo si dhab ah ugu tafa xaytay la dagaalankiisa lama hayo. Waxa wax lala yaabo ah culimadu waxa ay mamnuuceen in laga heeso Burco laakiin Qaadka iyo dhibaatadiisa kamay damqan. Wasaaradihii Waxbarashada, Caafimaadka & Warfaafintu wax barnaamuj ah oo ay kaga hortagayaan lama hayo. Intaba waxa u Aabe ah doorkii aqoonyahanka oo maqan.

 

Gebogabo & Gunaanad
Dhibaatada inaga inoo gaar ahii waxa weeyaan aqoonyahankeenii oo aan waxba soo kordhin. Aqoontu muhimadeeda ugu weyni waxa weeyaanbaan u maleynayaa in ay ummadda u tilmaanto toobiyaha quman ee horumar lagu gaadhi karo. Aqoontu waa in ummadda ka weecisaa dariiqa dhibaatada u keeni kara.
Aqoontaasaan tabeyaa oo aanu inoo keenin aqoonyahankeenii!!!!!!!!!!

 

Waad mahadsantahay

 

 

ALLAA MAHAD LEH
Cumar Dheeg

dheegsomaliland@gmail.com