Diyaarad Ethiopian Airlines Oo Ku Socotay Jabuuti Oo Ay Hawada Isku Heleen Ayax Guuraya

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines Boeing 737-700 oo u kala gooshaysay Magaalooyinka Diridhaba iyo Jabouti ayaa loo leexiyay dhinaca Magaaladda Addis ababa, ka dib markii ay hawada isku heleen ayax guuraya.

 

Ayaxan ayaan hakiyay diyaaradaasi, waxaana maamulka hawada ee diyaaradaha wadanka Ethiopia ay Go’aamiyeen in diyaarada loo leexiyo dhinaca Magaaladda Addis Ababa, halkaas oo ay markii danbe si nabad ah ku gaadhay.

 

diyaaradaasi ayaa markii ay soo cago dhigatay laga nadiifiyay ayaxaasi ay ku jiidheen hawada sare.

dalalka Soomaaliya, Somaliland, Ethiopia iyo Kenya ayaa waxa sanadkan ku habsaday Ayax Waxyeelo so gaadhsiiyay dalagii.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker