Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha ,Miyuu Fabinho Diyaar U Noqon Karaa Kulanka Manchester United? Liverpool

Fabinho ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Liverpool, waxaana lagu soo warramayaa inuu qarka u saaran yahay dib ugu soo laabashada garoomada.

Xiddiga reer Brazil wuxuu dhameystay kasoo kabashada dhaawacii anqawga kasoo gaaray kal hore, waxaana la fahamsan yahay inuu kubadda ku shaqeynayay 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Maalmaha soo socda ayuu tababarka buuxa ee kooxda kusoo laabanayaa, balse ilaa iyo hadda lama hayo waqtiga saxda ah uu garoomada kusoo laaban karo.

Si kastaba Jurgen Klopp ma doonayo inuu qatar galiyo xiddigiisa, mana la filayo inuu kusoo bilaaban doono kulanka Red Devils, balse waxaa suuragal ah inuu kusoo laabto garoomada kulanka ay kooxda ciyaareyso koobka FA Cup-ka.

 

DAAWO: FALAN-QAYNTAAS OO DHAMAYSTIRAN HALKAN HOOSE KA DAAWO:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker