Boodhadh Islaam-naceyb Lagu soo Xardhay Oo la Sudhay Gobalka Georgia Ee Maraykanka.

Boodh Islaam naceyb ku saleysan oo lagu dhejiyay fagaare u dhow Jaamacadda Georgia State University ayaa baraha bulshada ka dhaliyay Doodo kulul kaas oo loo Arkay mid lagu bartilmaansanayo tira- Muslimiinta Tirada yar ee ku nool gobalkaasi.

 

 

Boodhkan waxaa ku qoran qoraal ah “Alle-diid, cabsi la’aan, Muslim riddoobay.” Waxaa Sannadkii hore dhammaadkiisii la sudhay Atlanta, Chicago iyo Houston, Waxaana Boodhadhkan Soo Daabacda koox fadhigeedu yahay Virginia.

 

Guddiga Muslimiinta Maraykanka laantiisa Georgia ayaa sheegay inay fal-celin Togan kaga hortegayaan tallaabadan  Naceybka leh ee lagaga soo horjeedo Muslimiinta, waxayna Muslimiintu Cadho  ka muujiyeen Boodhkaasi lagu dhajiyay Georgia.

 

 

Georgia waxaa ku nool tirada ugu badan Muslimiinta Maraykanka, waxaana ku yaal ku dhawaad 70 Masaajid. Tan  iyo sannadkii 2012-kii  ku dhawaad 22 weerar oo Islaam naceyb ah ayaa lagula kacay Muslimiinta ku nool gobalkaasi, marka Loogo Gobolada kale ee Dalkaasi waa Gobolka ka ugu Badan ee ay ka Dhacaan Falalka Muslim Nacaybka ahi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker