Al-Shabaab oo dib ula wareegtay Deegaanka Tooratoorow oo Axaddii ay ka Qabsadeen Ciidanka Dawlada Somalia

Baydhabo (OWN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay dib uga soo baxeen Deegaanka Tooratoorow oo ay shalay kula wareegeen si nabdoon.

 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidanku xalay ay soo faaruqiyeen deegaanka, islamarkaana dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab.

 

Ciidamada dowladda ayaa intii ku sugnaayeen Tooratoorow ayaa waxaa ka sameeyeen baadhitaano lagu soo qab qabtay illaa 10 ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro Garsoore maxkamadeed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ki daraya in dagaalyahannada oo aad u hubeysan ay isku ballaariyeen deegaanka, islamarkaana ay ka sameysteen fariisimo cusub.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana gobolka Sh/ Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya laga dareemaya dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac.

 

Tooratoorow ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo 75 km u jira degmada Awdheegle, waxaana Al-Shabaab ugu yaalla maxkamado ay dadka ugu yeeraaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker