21 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Sacuudiga Oo Laga Eryay Dalka Mareykanka

Kow iyo labaatan askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga ayaa laga soo eryay dalka Mareykanka, halkaasoo uu tababar uga socday.

 

Ciidankan ayaa la eryay kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga ee tababarka loo geeyay Mareykanka uu toogasho u geystay askar kale oo Amerikaan ah.

 

Askartan lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr ayaa sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha jihaad-doonka ah iyo sawiro anshax xuma ah.

 

Saddex ka mid ah shaqaalaha ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la dilay, lix kalena waa la dhaawacay, taas oo keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay ciidamada Sacuudiga.

 

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa ” fal aragagixiso”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker