Booliska Kenya Oo ka Hadlay Weerarkii Al-shabaab ku Dishay Macalimiinta Gaarisa.

Booliska Kenya ayaa sheegay in dabley la rumeysan yahay inay ka Tirsan yihiin Al-Shabaab ay maanta Saddex macallin ku dileen, mid kalena ka Afduubteen dugsi hoose oo ku yaalla bariga dalkaas.

 

Kooxdan ayaa sidoo kale ku gubay xarun boolis, islamarkaana ku waxyeeleeyey Xarun ay lee dahay Shirkada dhanka Taleefonada ah weerarkan oo ka dhacay magaalada Kamuthe, oo 40km koonfur kaga beegan magaalada Gaarisa.

 

“Qiyaastii 8:00 subaxnimo, Rag hubeysan oo la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa Weeraray Dugsiga hoose ee Kamuthe iyo Xarunta booliska Kamuthe, iyo Xarun ay Lee dahay Shirkada Telephonada ee Safaricom.   waxayna dileen Saddex macalin,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay booliska.

 

Warbixin kale oo booliska ay soo saareen oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in saddexda macallin ee la dilay aysan deganeyn gobolka, islamarkaana macallin kale la afduubtay.

 

Kooxda weerarka fulisay ayaa sii daayey kalkaaliso caafimaad, sababtuna ay tahay inay ahayd haween.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay goor dambe soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Tan iyo bilowgii saadkan, Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fuliso Bariga dalka Kenya ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya, waxaana heegan sare la geliyey booliska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker