Macalinkii Dilaaga Ahaa (Ilkacase/Xudeyfa) Oo Dareen Xasaasi ah ku Beeray Shacbiga Somalida

Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano (Ilkacase/Xudeyfa) ayaa dareen xasaasi ah ku beeray shacbiga Soomaaliyeed, ka dib markii Telefishinka Qaranka uu baahiyay muuqaal laba qayb ahaa, kuna saabnaa wareysi lala yeeshay ninkaasi.

Ninkan oo muddo sanado ah hoggaaminayay Amniyaadka Al Shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale door ku lahaa qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir oo muddo ahba hayay xogta ninkaasi ayaa ugu dambeen waxaa sanadkii hore u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan, iyadoona ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida dil ku xukuntay 31-kii bishii December.

Waxyaabaha layaabka badan dadweynaha ku abuuray ayaa ah in uu ninkan ka masuul ahaa dad badan oo siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, haba ugu badnaatee tirada uu kudilay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Axmed ayaa dadka uu dilalkooda soo abaabulay, laguna dilay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira saddex janan, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Ninkan ayaa waxaa dhalay Sarkaal Booliska Somaliya ka tirsan, waxaana xusid mudan mar horey loo soo qabtay in lagu sii daayay damaanad uu damiintay aabaha dhalay, oo xilligaa oo aan ogayn inuu Shabaab yahay.

Arrinta kale ee hadalhaynta ugu badan ka dhex dhalisay dadweynaha ayaa ah inuu ninkan yahay nin dhalinyaro ah oo waxbartay, isla-markaana macalin ka ahaa jaamacad ku taala Magaalada Muqdisho.

Goobaha ay bulshada isugu timaado iyo barraha bulshada ayaad ku arkeysaa sida ay dadku u hadalhayan Barnaamijka Gungaar ee lagu soo qaatay ninkan, lana magac-baxay Macalinkii Dilaaga.

Midda hadalhaynta xoojisay ayaa ah sida aanu Ilkacase wax jixin-jix ah haba yaraatee uga muujin dadkii faraha badnaa, ee uu dhiigoodu ugu talagalay inuu daadiyo. Ninkan ayaa dhawaan wejihi doono Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, haddii uu rafcaan ka qaato xukunkii ay ku riday Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, daahna inagama saarna in ay iyana xoojin doonto xukunkii hore.

Dadka qaarkii ayaa waxayba qabaan in ninkan uu yahay mid xoggo muhiim ah haya, loona baahan yahay inay ka faa’iideystaan laamaha amniga, ka hor inta aan xukunka dilka ahi lagu fulin.

Xudeyfa ayaa noqonaya Shabaabkii ugu horeeyay oo gacanta sharciga ku jira, isla-markaana bixiya wareysigii ugu xasaasisanaa, xitaa marka aad milicsato wareysigii uu kol hore bixiyay Xasan Xanafi Xaaji, oo 11-kii bishii April ee sanadkii 2016 lagu toogtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ay xukun dil ahi ku xukuntay 26-kii bishii March ee isla sanadkaasi.

Xasan Xanafi oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, balse markii dambe Shabaabka ku biiray ayaa qirtay in uu soo maleygay dilalka tiro Suxufiyiin ahaa loogu gaystay Magaalada Muqdisho, waxayna soo qabashadiisa ka dambeysay markii ay xoggo isweydaarsadeen Sirdoonka Somaliya iyo Kenya, iyadoona gacanta lagu soo dhigay bishii December ee sanadkii 2014.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker