Oodweyne News - Latest Somali News Update

Jacaylkii Qamaan Bulxan & Barni Sheekh. W/Q Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Qamaan bulxan ayaa isaga iyo koox uu wato waxay ka yimaadeen magaalada berbera halkaas oo ay ugu tageen inay soo amaanaan taliyihii ciidamada ingiriiska ee la odhan jiray (aasha dheere) amaan kadib wuxu taliyuhu siiyey kooxdii uu qamaan watay 20 bunduq iyo dhar, si fiicana waa u soo dhaweeyey una soo ambo-bixiyey.

Waxay soo mareen magaalada hargaysa kadib waxay usoo dhaafeen dhankaa iyo gaaroodi iyagoo ku socda Banka qoraxay.

Intii ay marayeen gaaroodiga waxay qamaan iyo ragiisii isha ku dhufteen inan uu ilaah qurux u dhameeyey dabadeed waxay gabadhii durbadii gashay qalbiga qamaan, waxaanu u sheegay ragiisii inu toloobi doono hadaan gabadhaas lala doonin.

Waxa la goaansaday in loo ardaa dhigto reerka gabadha dhalay, waa loo ardaa dhigatay sidu dhaqanku ahaana waa la siiyey qamaan gabadhii kadib markii uu bixiyey 20bunduq oo maandhiin yare ah.

Waa loo dhisay qamaan barni sheikh cabdille waxaanay qoys ku noqdeen Banka qoraxay, rag damac Kama dhamaadee waxa loo qushuucay quruxda iyo qaayaha barni sheikh cabdille waxaana rag badani ku hamiyeen inay si aan sharci ahayn uga qaadaan barni.

Inkasta oo aanay ku guulaysan ragii is damacsiiyey hadana waxa waqti dambe dhacday in barni sheikh ay qamaan bulxan sanadihii hore waxba u dhali wayday waxaanay barni calaqad (gabadh wax sheegta) ku tidhi waxa ku haysa mashiikh (wax kaa haysta dhalmada) taas oo dhasha kaa haysa ee hadaad berbera tagto oo aad soo iibsato waxkasta oo ay naftaadu jeceshahay intaa kadibana aad is cuudiso waad dhalaysaa wiilal iyo gabdhaba hadii alle kuu qoray.
Qamaan intuu geelii dhexgalay ayuu soo soocay awrtii goosha ahayd, dibidii lo’da ku jirtay, ahmin wixii dhiga ku jiray ee reerka laga helay ayuu barni sheikh cabdille u soocay oo ku yidhi orod oo kusoo qabso waxaad u baahantahay.

Barni sheikh waxay tagtay berbera waxaanay soo iibsatay waxkasta oo ay u baahnayd maro, subeeciyad, darayamuus cibaad ah, miyaamiyad Hindi ah, khayli mandheeri ah, qoor cunaabi ah, muriyad iyo hilqado, silis iyo jijimo, kabo, iyo dhamaan waxkasta oo ay dusheeda sudhi lahayd shayba afar xabo ayaa ay ka iibsatay.

Markii ay kasoo ambobaxday berbera ayaa waxay soo martay reer aabaheed oo yaalay gaaroodiga hargaysa iyo jigjiga u dhexeeya, dabadeed waxa ay gacanta u gashay ragii waagii hore ay ka badbaaday waana lala aqal galay duhur dharaareed, markii loo sheegay qamaan wixii dhacay ayuu qalbiga ka ooyey waxaanu ka tiiraanyooday gabadhiisii uu jeclaa sida rag ay si dhib la’aan ah ay ula wareegeen.

Qamaan wuxu gabay u sii dhiibay Nin la yidhaa Aw cumar oo uu ku yidhi iga gaadhsii reerkii aanu xididka ahayd gabaygan oo ha ii isoo jawaabaan waxaanu yidhi qamaan:

 

  • Aw cumar gadoontaye hadaan naga gudan caawa
  • Rabi ha idin geeyee hadaad gama malayn waydo
  • Ood gaambisaan socoto waa galangalcootaa
  • Galow iyo shimbiro giileh iyo guuldariyo qaylo
  • Wiyil gaatin gooliyo libaax gucumo aar yeeshay
  • God abeeso goodiyo mas iyo guratadaa hoose
  • Wadada goonyaheeda iyo dil gawlaciyo jeefis
  • Gunti nagi alle ha kaa gasho iyo golaha yaasiine
  • Gaanbiyee hadaad nabad tagtaan gurarka awnuuxa
  • Ismaciilka gaanka ah hadaad war u gamuunyeyso
  • Sheekhuu islaamkuba gartayee gacanta saaraayey
  • Gaadhsiiya gabaygaas idhaa igu gar weeyaane
  • Gar iyo xaq lama soo gotee guudcadaha miira
  • Nabsi lama gurtee seediyaal guda umuurtayda
  • Bacdigeed halkaad goosataan soo gadaal celiya
  • Aniguna wixii ILA gudboon gees aan ula shawro.

Gabaygaas ayuu tiriyey qamaan bulxan oo ku muujinayo in uu ka xunyahay gabadhiisa laga dhacay warna uu ka sugayo reerihii ay barni sheikh ka dhalatay.
Qamaan aad ayuu ujeclaa gabadhiisa waxaana tusaale ugu filan oo aan idiin hayaa gabaygan oo uu tiriyey xiligii ay ka maqnayd gabadhiisu.

Gabaygan wuxu ku sheegayaa hadii gabadh loo dhiso oo wiilal iyo gabdhaba ilaah ugu deeqo in aan cududa ka naafataa aanay waligeed cayileen oo uu uga jeeday waligii in aanu kasamraynin afadiisii quruxda iyo qaayahaba badnayd ee barni sheikh cabdille.

Waxaanu gabaygaas ku yidhi:

  • Naagtaan culaaf iyo calaaf culus ka dhiibaayey
  • Cishiriinka naagtaan ka dhigay caamonimadayda
  • Naagtaan cadwaaniyo toliyo xidid ku caydheeyey
  • Naagtaan cilaankiyo lahaa cadarka naa iibso
  • Naagtaan cabaadhiyo korkiyo cududihii buuxshay
  • Naagatay cidida hoose iyo gacantu ciiraysay
  • Naagtaan jidhkeedii camimay cagaha mooyaane
  • Naagtaan cadceediyo lahaa cididu yey taaban
  • Caku kolay ku tahay taan lahaa ha iga caasiyina
  • Codkii muxamed naagtuu cara’e ha ii keenin
  • Naagtaan cadaabkii la gee uga cabsoonaayey
  • Naagtaan cashadii lays hantiyey calacashaa dhiibay
  • Naagtaan cibaarada lahaa cudurti yey sheegan
  • Haday haatan caadadii haween iga canjeelayso
  • Nin aduun cimriyeyoow maxaa cudurti kuu laaban
  • Adoo caawa jiifsday maxay kugu cadaan xaajo
  • Calafse waa korkiisee bal aan culimadii dhowro
  • Hadiise caasha iyo wiilal caano la isiiyo
  • Oo ani aroos carafleh oo caaran la I geeyo
  • Walee cududa iga naafataa ii cayilina waana.

Barni waa laga qaaday qamaan oo fasaq ayaa loogu jiiday waxaana loo mehershay nin kale oo la aqal galay, markii loo sheegay qamaan aad ayuu u murugooday.

Warkaana waxa u keenay nin la yidhaa haybe markii uu u sheegay arinkaas halkii uu fadhiyey ayuu ka kici kari waayey isagoo qamaan arintaas tilmaamaya gabay qiiro badana ka tiriyey wuxu yidhi:
Waa igu gar inaan guriga diidaa, waxba Gogol ha ii dhigin gami maayee, maxaa yeelay wuxu yidhi gabadhaydii ayaa guur ninkale lagu sheegay waxaanu qamaan:

  • Gartay weeye hayboow inaan guriga diidaaye
  • Waxba gaar ha ii dhigin hurdada gama’ laydiidye
  • Rag wax gaadhay naagtuu qabay guur nin lagu sheegay
  • Iyo gamas mariiboodoo dhexgalay goonjidii hilibka
  • ma gudboona Labadaas bahal oo gama’ la diidaaye
  • Aniguna gedii baan ahaye guriga hay gaynin.

Waxaan ahayd sida Nin ay qaaxo (xanuunka TB) hayso oo aad u qufacaaya, oo weliba wed iyo geeri garab aala Nin sidaas oo kale Ayaan ahee guriga ha I gaynin ayuu yidhi qamaan:

  • Nimay qaaxo feedha u gashayoo malaxi gaashaysay
  • Gixiduu yidhaa maydhaqaan gocosho daynayne
  • Wad gudoonsay saadkana ninkaa gura’a weeyaane
  • Aniguna gedii baan ahee guriga ha I gaynin
  • Geenyada bakhtiday kii arkaye gudub u raad gooyey
  • Ee goobay madaxeeda yaa iga garaad roone
  • Aniguna gedii baan ahee guriga ha I gaynin.

 

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)
Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189