Dib-umilicsi Siyaasada Addis Ababa

Saaxiibayaal, saaka ayaan US soo gaadhay oon transit ku ahay Washington.

Dhawrkii maalmood een Addis joogay waxa idiga baxay:

1. Fakirka ah in PM Abiy baalmaray kacdoonkii Oromo waa fakir baahsan bulshaweynta Oromoduna PMka waxaad moodaa in ay ka niyad jabeen.

Mar anako sadex Soomali ah aanu taxi dalbanay, waxa naqaada wiil Oromo ah oo ahayn jiray cirtoy heer qaran ah. Ninkaasi mudo saacad dhan markuu na wareejinaayey, waxa uu si xad dhaaf ah u canaantay PM Abiy. Waxa uu ku tilmaaamay nin “dhiig Oromo leh laakiin dhaqan iyo caqiido Axmaaro leh.” “Dhiig-kar ayaan qaaday intii Abiy xukunka qabtay ” ayuu darawalku yidhii.

2. Waxa aan dad kala duwan ka maqlay in PP aanay ku guulaysandoonin doorashooyinka heer federaal. Xataa Axmaaro aan la sheekaystay waxay PM Abiy ku dhaliilayaan in aanu mab’da cad iyo meel loogu soo hagaago lahayn. Nin garabka bidixda raacsan oo mudo dheer aqaanay oo Axmaar ah ayaa isna ii sheegay in ay baqasho dagaal sokooye oo dhinaca Oromo ka yimaad aad isu soo biirsanayo.

3. Wakhti gaaban oon shir laqaatay Jawer Mohamed iyo la taliyayaashiiya, mar aan ku boqday xaruntiisa, waxay iyana ii sheegeen in aanay innaba ka tanaasulayn nidaamka federaalka.

Intaa waxa dheer in kooxaha siyaasada ee Oromo ee taageersan nidaamka federaal ay ka walaacsanyihiin in PM Abiy gogosha u labo doono nidaamka federalka.

Doodda arinta federalka ku aadan waxay ka mid tahay arimaha ugu hadal haynta badan ee siyaasada xiligan ee Itoobiya.

4. Waxa kale oon Jawer iyo kooxdiisa kala hadlay xoojinta nabadaynta soohdinta Soomaalida iyo Oromoda.

Sikastaba ha ahaatee, in culays siyaasadeed oo baahsan Itobiya ka taagan yahay waa arin ishu si fudud u qabanayso. Kala qaybsanaanta qowmiyaduhuna, matalan, heer aad u sareeya ayuu mareyaa; Islaanimadu wey soo xoogaysanaysaa; dhinaca kalena dulqaa-darada masiixiyiinta iyo awoodii taarikhoga ahaa ayey lahaan jireen oo isdhimaya oo qaadan kari la’yihiin.

Dhawrka maalmood iyo usbuucyada soo socda waxaan sidagan u akhriyi doonaa buuga “medemer” uu qoray PM Abiy isaga oo ku doodaya in uu helay furihii lagu xalinlahaa “dhibaatooyinka siyaasada iyo shaqaalaha” ee dalka Itoobiya.

Sida muuqata, Oromo durba wey ka biyo diiday “medemer.” Soomaaliduna weyba ku qososhaa. Xataa Axmaaradu kuma qanacsana. Bal hadaba nuxurku markaan fahmo ayaan idinla wadaagi doonaa.

Waa-bilaahi Towfiiq

 

Faysal Cabdi Rooble

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker