Xukuumada Somaliland oo Tilmaantay Wadada ay U marayaan Citiraaf Raadinta

Hargeysa (OWN) – Xukuumada Somaliland ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka hadashay halka  uu Marayaan ictiraafka ay ka baadi-goobeyso beesha caalamka iyo caqabadaha ay kala kulantay beesha caalamka.

 

Somaliland ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto ictiraaf raadinteeda, balse ilaa hadda ay beesha caalamku ka war-wareegayso inay si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsato dal madax banaan.

 

Yaasiin Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, oo u waramayey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in Somaliland ay qadiyadeeda ictiraaf raadinta ay u dabo gali doonto Midowga Afrika.

 

 

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay su’aal laga weydiiyay sababta ay beesha caalamku ay si isku mid ah ugu fiirin weyday qadiyadooda iyo kuwa Ereteriya iyo Koonfurta Suudan, oo Somaliland kaga horeysay ku dhawaaqida madax-banaanidooda, isla markaana loo aqoonsaday dalal madax banaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker