Dowladda Qatar Oo Rajo ka Muujisay Wada-hadalo ay la Fureen Dawlada Sacuudiga Carabiya

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijiyay wada hadalo uu dalkiisa la yeeshay Sacuudiga, labo sano kaddib markii Xukuumadda Riyaadh ay bilowday in xayiraad lagu soo Rogo Dooxa.

 

 

Mohammed bin Abdulrahman al-Thani ayaa sheegay in Qadar ay rajeynayso in wada hadalada ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan.

 

“Waxaan ka soo dhaqaaqnay marxalad adag, una gudubnay Waxoogaa horumar ah, wadahadallo qaar ayaa naga dhaxeeyey, gaar ahaan Sacuudiga, Waxaan rajeyneynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan Horumarkeena iyo meesha aan ku Arki karno dhamaadka dhibaatada”ayuu yidhi

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar oo ka hadlayay Shirkii Arrimaha Siyaasadda Dibadda ee ka dhacay magaalada Rome, sida ay soo warisay Al Jazeera.

Mr Al-Thani ayaa sheegay in shirar dhowr ah ay yeesheen Mas’uuliyiin ka socday Sacuudiga iyo Qatar, ayna ka dhaceen meelo kala duwan, balse ma aanu sheegin mowduucyada laga wada hadlay.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa u mahadceliyay Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah doorkiisa ku aadan dhex dhexaadinta labada dal.

 

Sacuudi Carabiya, Baxreyn, Masar iyo Imaaraadka Carabta waxay xiriirka u jareen Qatar bishii Juun 2017, waxay kaloo bilaabeen inay ku soo rogaan xayiraad dhul, cirka iyo badda ah, iyagoo ku eedeynaya inay taageeraan argagixisada, isla markaana faragelin ku heyso arrimahooda gudaha, balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedeymahaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker