Ayax ku Habsaday Degmada Lughaya ee Gobolka Salal Oo Laga Dayrinayo.

Ayax xoogleh ayaa ku habsaday dhamaan Degmada Lughaya kaasoo cagta marinaya Daladii  dhulkaasi ka soo baxay xili Roobadkii dayrta lagu jiro.

Duqa degmada Lughaya Md Cabdilaahi Cali Aw Nuur Dixood ayaa sheegay in bari iyo Galbeedka degmada ay ku arkeen Ayax waaweyn iyo dhashiisa oo hada ka dilaacday, waxaanu ku baaqay in hadii deg-deg wax looga qaban waayo uu aafo weyn reebi doon, waxaanu xusay in loo baahan yahay gacan dheeraad ah oo lagu la dagaalamo Ayaxa.

 

 

Dhinaca kale waxaa laga soo sheegayaa in dhul badan oo degmada ka mid ah sida Ceel la helay, Gargaara, Garbada Riiga Karuure Geerisa iyo deegaano kale uu dhibaato weyn ku hayo dadka iyo duunyaba.

 

Dadka xoolo dhaqatada iyo kuwa beeralayda ah oo ayaa sheegay inuu ku habsadey dhamaan meelihii daaqa lahaa, xoolihii way ka cararayaan oo inay daaqaan wuu u diidey” waxayna intaas ku daraan inay wadaan daddaal ay ku doonayaan in ay kaga kiciyaan dhulka.

Sikastaba ha ahaatee deegaanada qaarkood ayaa waxa la sheegay in loo adeegsadey qiiq iyo dhawaqa daasado lagu garaacay oo inbadan dhulka lagaga kiciyey, iyadoo xiligan ay degmada ka curteen roobab la saadaalinayay inay wataan duufaano, balse wali ma jiraan wax khasaaro ah oo ka dhashay roobabkaasi ka curtay xeebaha Lughaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker