Wasiirrada Cusub ee Somaliland!! W/Q Sheekh Maxamed Idiris

Waxaan Jeclahay dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan nolol wanaagsan, nabad gelyo iyo xasilooni, ay aduunka kula tartamaan iney gaadhaan. Somalilandina waa kuwa ugu horreeya soomaalida oo mudan iney noloshaas helaan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Khayrka Allaha waafajiyee, ayaa magacaabay wasiirra cusub sida wararku sheegeen. Waa munaasabad aan mar kale ku xusuusin karro dadka ummadda xilalka u qabata, meel kastaba ha joogaane, xilka iney si fiican u gutaan ama naftooda ciqaabta adduun iyo aakhiro uga tudhaan.

Xadiisku wuxuu sheegayaa xilku: (Adduunka waa ammaano, aakhirana waa ceeb iyo shallaytin). (Qofkii 10 madax u noqda yawmul qiyaama wuxuu imanayaa isagoo gacmuhu qoorta ugu xidhan yihiin, caddaaladda keliya ayaa ka fureysa, ama dulmiga ayaa halaagaya) xadiis.

Waxaan si gaar ah ula talinayaa: Wasiirka loo magacaabay biyaha iyo wasiirka loo magacaabay xoolaha iyo kalluunka!

Wasiirka biyaha waxaan leeyahay: saaxiib, Allaha kuu gargaaro, ma ogtahay masuuliyadda aad maanta qaadday oon xalay ku saarnayn? Dadka reer somaliland iney biyo macaan oo nadiifa cabbaan ayaad qaadday! Roobku markuu da’o, oo daadku togaga buuxiyo sida: Maroodi jeex, Arabsiiyo, Aw barkhadle iyo dacar buluq, in biyahaas la kaydiyo ayaad qaadday! Inaan daadku dadka iyo duunyada maalin walba la tegin ayaad qaadday! Adeegga biyuhu guryaha wada gaadho ayaad qaadday!! Waa adeega adduunku 100 sano ama 50 sano ka hor ka faraxashay oo aan lagaba hadlin, dhalinteennuna badaha ugu daadanayaan!! Waa la samayn karaa saaxiib, hadii go’aan lagu gaadho, qorshana la dejiyo, Rabbina loo tala saarto.

Wasiirka xoolaha iyo Kalluunkana waxaan leeyahay: Somaliland saaxiib wexey hodon ku tahay oo Eebbe ku manaystay xoolo berri iyo bad leh! ma ogtahay masuuliyadda aad qaaday maanta, ee inta Muuse Biixi aanu ku weydiin Ilaahay ku weydiinayo? Hadaad kasoo baxdana taariikhda aad geleyso, haddaad ka bixi weydana sida dadkii kaa horreeyey hoog ay halaag ay tahay?

Waxaad qaadday: Xoolaha Ilaahay na siiyey, inaad kobciso, beero u samayso, xanaana u yeesho, sida New Zealand wananka ugu nooshahay, idiheenna iyo riyeheenna aad u qorshayso, hilibka adduunka isagoo nool iyo isagoo bisil aad u dhoofiso, dadku ay shaqo iyo lacag ka dhergaan, wershedo u samayso, hantida Ilaahay na siiyey inaad ogaato oo nooga faa’iidayso, adduunka dad aan xoola haysan iyo hilib haysan lacagna haysta ayaa diyaar la ah iney qaataan! Haddaad dooneyso afkaartana meel walba ayey taallaa, go’aan iyo shaqo iyo aragti ayaa loo baahanyahay, lacagta iyo wershedaha iyo diyaaradaha iyagaa la imanaya, badda guudkeeda ama buurta sheekh korkeeda iyagaa keensanaya, adigu ma ku kalsoontahay? Ma iib geyn kartaa? Ma ka shaqayn kartaa? Miiskaaga subax walba ma saari kartaa? Dadka soomaalida ah ee bartay xoolaha iyo badda ma ka faa’iidaysan kartaa? Adna magac iyo sharaf ku gaadho, dadka reer soomaalilandina ha dhergaan, soomaalida kalena halla wadaagto, illeen gobanimada reer sheekh waa la ogyahay in wax lala cuni karo?
Wassalaam.

 

W/Q Sheekh Maxamed Idiris

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker