Siyaasi Maxamuud Xaashi by Amir Bidde

Waraysi dheer oo muuqaal ah oo u bixiyey ex. Wasiir Maxamuud Xaashi waxaa ka soo baxay shaqsiga uu yahay, aqoontiisa maamul iyo hammigiisa siyaasadeed. Maxamuud Xaashi waxa hore mucaaridku ka bixiyeen sawir taban oo ku dheehan musuq, xatooye xoolo dadwayne iyo qaraabakiil. Iyadoona jirin cid eedahaa ku soo caddaysay. Haddana sawirkaa ayay dad badani rumaysteen.

M. Xaashi wuxuu ahaa wasiir muuqda oo awood badan waqtigii xukuumaddii Siilaanyo leh. Awooddiisa iyo kartidiisa wax qabad waxaa sabab looga dhigayay maadaama ay madaxwaynaha isku beel hoose yihiin (mdxwaynuhuna xanuunsanayo) inuu haysto carte blanche (mandate aan xuduud lahayn). Inuu kharashka mashaariicda uu fulinayo ku helaayo hagar la’aan iyo xisaab-celis la’aan. Sidaa buu ahaa sawirka ay mucaaridku ka bixiyeen.
Hase yeeshee waraysigii dheeraa wuxuu muujay in wax qabadkiisu ka yimid: kartidiisa shaqsiyeed, daacadnimo iyo rabitaankiisa ah inuu dalkiisa horumariyo. Waxaa beenowday musuqii lagu eedaynayey. Wuxuu Somaliland uga tegay dhaxal wayn oo cid wal oo dalkan jeceli ku faraxdo markay aragto. Wuxuu innoo dhisay madaar caalamiya oo dalalka jaarka aynu kula tartanno. Wuxuu suurageliyey in diyaarado caalamka laga yaqaan Hargaysa yimaadaan. Wuxuu noqday madaarka Cigaal mid nabadgelyadiisa la isku hallayn karo oo dadka iyo alaabtu maraan baadhitaanu adag oo casriyayaysan oo la jaan qaaday madaarada caalamka. Maxamuud hortii dadka sii dhowaynaya qof dhoofaya ilaa sallaanka diyaaradda ayay socon jirin. Diyaaradda Itoobiya 2 qof oo ammaanka u tababaran (nin & naag) ayaa la socon jiray oo sallaanka hoostiisa dadka iyo alaabta dib isaga hubin jiray oo ku baadhi jiray (arrintan oo ceeb wayn ku ahayd Somaliland).
Quruxda dhismaha, parkingka wayn iyo dhirta iyo ubaxa indhaha uu roon qof wal oo arkaa wuu u duceeyaa wasiir Xaashi iyo dabcan mdxwnihii u igmaday hawshan.
Xaasidnima mucaaridku waxay gaadhay inay yidhaahdaan boqolaal milyan baa madaarka dhismihiisa loogu talagalay ee waxa cunay M. Xaashi. Waa buhtaan iyo been abuur ay umadda la dhex wareegaan. Oo qof kasta oo dalkan wax u qabta oo daacad u ah way daadafeeyaan.  Mucaaridku tuugta dalka xadayna way soo dhowaystaan; ka fikir Xirsi uu ku faanay inuu dalka 40 milyan oo dollar ka xaday iyo Ismaaciil faqash (wasiirkii gudaha ee Riyaale) oo dhulkii danta guud ee Hargaysa ilaa sayladdii xoolaha ee Wajaale musuq iyo awood wasiirnimo ku qaatay. Labadan tuugba maanta waxay ka mid yihiin hoggaamiyaasha xisbiga waddani.
Runtuna waa intii dawladdii Siilaanyo xukunka haysay in lagu tallaabsaday horumarkii ugu waynaa ee abid Somaliland gaadho. Maxamuud Xaashina wuxuu ahaa xiddiga hormuudka ka ahaa horumarkaa, wuxuuna mutaystay biladdii ugu sarraysay ee team-kii Siilaanyo.
Waraysigaa waxa ka muuqday nin deggen oo hadalkiisu miisaaman yahay oo siyaasadda u bislaaday oo aqoon siyaasadeed oo dheer leh. Nin gararanaya wuxuu rabo, rumaysanna inuu helayo. Waa nimaan xanaf lahayn oo aan cidna xagxagan. Waa nin aan qabiil iyo beelaysi dabada gelin (sida mucaaridka oo kale) ee waa nin isagu isku kalsoon. Waa Muusihii labaad ee Somaliland (waxa la yidhi tan iyo markuu SNM galay Muuse Biixi wuxuu hammigiisu ahaa inuu hoggaanka dalka qabto, wuxuu u galay dadaal dheer oo waa kaa hammigiisii u rumoobay aakhirkii). Qofka bani-aadamka ihi hammigiisa hadduu rumaysan yahay oo uu u dhabar adaygu, tallaabo kasta oo yoolkiisa u dhowaynaysana u qaado, waxa la hubaa inuu gaadhi doono.
Maxamuud Xaashi wuxuu waraysigan dalka oo dhan (bari & galbeedba, gaar ahaan caasimada Hargaysa oo ah magaaladiisa u deggen yahay) kaga helay taageero wayn. Waxa soo baxay shaqsiyaddiisa dhabta, wuxuu iska tuuray bustihii beenta ahaa ee ay mucaaridka iyo xaasidiintu saareen, iyagoo rabay inay dadka ka qariyaan.
Waa waqtigii Kulmiye hoggaankiisa Maxamuud qaban lahaa.
Siyaasiga kale ee Maxamed Kaahin wuu soo dhammaystay hoggaamintii xisbiga, sababtoo ah intuu mdxwayne Biixi hoggaanka xisbiga hayayba, Maxamed Kaahin wuxuu ahaa gacantiisa midig. Waxase isna jooga Cabdicasiis Samaale oo nin cod kar ah oo aadna u firfircoon. Markaa kaadiriinta xisbigu waa inay 2daa kala doortaan.
Fiiro gaar ah: dadka waxaan ku qiimaynaynaa waxa nooga muuqda, xaqiiqdase Ilaahay baa og.
Wallaahu aclam,
A. Amir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker