Waxaa La Joogaa Wakhtigii Waayo Aragnimada, Khibradda Iyo Aqoontu Shaqaynaysay !!!!!!!!!.

Shaqsigu Haddii Aanu Lahayn Aqoon Diimeed Mid Maadi, Khibrad Iyo Waayo Aragnimo Wax Ma Haggi Karo Mana Noqon Karo Xildhibaan, Maayar, Gudoomiye Barlamaan, Gudoomiye Xisbi Iyo Madaxwayne, Khibradahaas Faraha Badan, Siyaasadda, Dhegaysiga Shacabwaynaha , Go’aan Qaadashadda, Waracnimada Ama Geesinimadda , Hayaanka, Tubta Toosan Iyo Hammigiisa Fog Ee Uu Doonayo Inuu Wadankiisa Maalin Maal Maha Ka Mida Markuu Madaxwayne Noqdo
Insha Allaah Uu U Horseedo Dib U Heshiisiin Balaadhan Oo Beelaha Somaliland Loogu Qabto Shirwayne Ay Isu Calool Xaadhayaan Oo Beeluhu Noqdaan Kuwo Isu Hura Maalkooda, Naftooda, Kana Shaqeeyaan Sidii Gobolkastaba Beelaha Wada Degan Uga Shaqayn Lahaayeen Sidii Loo Horumarin Lahaa Gobolkooda Balse Beelaha Gobolka Wada Degaa Aanay Ku Kala Tegin, Kuna Kala Coloobin Xisbiyadda Ay Kala Taageersan Yihiin, Siyaasadeenu Noqoto Bartire Waa Kala Tagsan Yahay Warna Iskuma Seegana.
Shaqsiga Aragtida Fogi Waa Ka Isku Wada Fikradaha Kala Duwan Ee Ay Soo Jeediyaan Xubnaha Golaha Dhexe , Xubnaha Fulinta Xisbiga Kulmiye Iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Balse Talo Soo Jeedinta Iyo Is Toosintu Aanay U Fekerin Madaxda Sare Ee Xisbiga Ama Xukuumaddu Mid Xisbigooda Ama Xukuumadooda Lagu Burburinayo!!!!.

Caqliga Caafimaadka Qabaa Talo Kasta Oo Guracan Oo Loo Soo Jeediyo Taladaas Guracani Ha Noqoto Mid Aanu Gayn Iyo Mid Uu Geeyo Waxaa Looga Baahan Yahay Dulqaad, Ixtiraam Iyo Waayo Aragnimo Uu Kaga Dabaalan Karo, Waxaa Imanaysa Shaqsiga Aragtida Fog Inuu Xisbiga Ka Dhigo Xisbi Balaadhan Oo Ay Ku Soo Laabtaan Qoor Wayntii Miisaanka, Sumcadda Ku Lahaa Xisbiga Kulmiye Iyo Taageerayaashii Faraha Badnaa Oo Dhabanada Haysta Kana War Warsan Haddii Aanu Helin Xisbiga Kulmiye Rug Cadaaga Siyaasiga Ah Ee Miisaanka Iyo Taageeradda Wayn Ku Leh Goboladda Somaliland Inuu Xisbigaasi Marayo Wadadii Uu Ku Burburay Xisbigii Udub Ee Ay Isku Qabsadeen Beelaha Habar Yoonis Iyo Habar Awal Aakhirkiina Madaxwayne Daahir Rayaale Ku Soo Aasay Xabaalaha Wadanka Faransiiska

Xisbiga Kulmiye Uma Baahna Burbur Hor Leh Oo Loogu Gacan Geliyo Askari Dambe Ama Shaqsi Waraaba U Taag Ah, Sababtoo Ah Shacabwaynaha Somaliland Way Ka Soo Taagan Yihiin Askari Dambe Oo Laga Dhigo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye Yadoo Aynu U Jeedno Sida Uu Ugu Haftay
Gudoomiyaha Xisbiga Ahna Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Caalamkiina Uga Soo Xidhmaday Madaxwayne Muuse Biixi Balse Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Wuxuu U Baahan Yahay Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi Si Uu U Noqdo Xisbiga Kulmiye Xisbiga Ugu Da’da Wayn Somaliland Oo Jiilba Jiil Soo Gaadhaan Sida Xisbiyadda Waawayn Ee Ka Jira Wadanka Maraykanka Iyo Wadamadda Yurub Insha Allaah.

Mudane Xaashi Waxaan Hubaa Inuu Soo Celin
Karo Sumcaddii Somaliland Ku Lahayd Wadamadda Aduunka Oo Isagoo Gudoomiye Xisbi Ah Uu Garaaci Doono Wadamo Badan Barlamaankooda Iyo Xukuumadahooda Kuna Boorin Lahaa Sidii Somaliland Loogu Fidin Lahaa Aqoonsi Caalamiya Si Loo Helo Horumar Balaadhan Oo Goboladda Somaliland U Siman Yihiin , Shaqo Abuur Baahsan Oo Dhalinyaradda Iyo Haweenka Loo Sameeyo Insha Allaah.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Waxaan Hubaa Haddii Loo Doorto Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Inuu Talooyin Wax Ku Ool Ah Siinayo Madaxwayne Muuse Biixi Oo Uu u Soo Xulayo Wasiiro, Danjirayaal, Agaasimayaal Guud, Badhasaabyo Miisaan Leh Oo Mugtida Somaliland Gashay Labaddii Sano Ee U Dambeeyey Uu Ka Saaro, Kuna Dhiiri Geliyo
Madaxwayne Muuse Biixi Inuu Mar Labaad Isa Soo Sharxo Insha Allaah.

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker