Shuruudaha xubinta komishanka Somaliland.

Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta ,waxaan jacleystay  inaan halkanku soo gudbiyo  shuuraha  xubinta komishanka ka mid noqonaya ,iyada oo  uu muran ka taagan yahay xubin ka   mida gudiga doorashooyinka – Hadaba waxaan isweydiiyey  iyayada oo u cad  yahay  shuruudaha laga doonayo inuu qofkaasi ahaado. waxaa uu  madaxweynuhu ugu soo daray xubin aan buuxin kaas oo aha  Riyo raac waxaa xaqiiq ah in aan beelnimo  iyo shaqsi ahaantiisa loo diideyn balse sharcigu ka reebayo mar  hadii uu ka mid yahay xisbiga kulmiye  oo aanu jirin meel uu kaga baxay  xisbigaasi.

Qodobka 12aad

Shuruudaha xubinta Komishanka

  1. Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.
  2. Waa in aan da’diisu ka yarayn 40 jir, kana waynayn 60 jir.
  3. Waa inuu Muslin yahay, kuna dhaqma diinta Islaamka.
  4. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama wixii u dhigma.
  5. Waa in aanu ka mid ahayn Urur/Xisbi siyaasadeed, kana madaxbannaan yahay.
  6. Waa in lagu yaqaan dhawrsannaan, sharaf iyo caddaalad bulshada dhexdeeda.
  7. Waa in aan dambi ciqaab oo maxkamad horteed kaga caddaaday ku dhicin weligiiba.
  8. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilka.”

Sida ku cad labadan qodob ee sare ku xusan iyo farqadaha ka sii farcamay, waxa muhiim ah in Golaha Wakiilladu ay si fiican oo sharci u qiimeeyaan, baadhaan, una hubiyaan in xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka ay wada buuxiyeen dhammaanba shuruudaha xeerku waajibiyey, iyadoo aan si gaar ah loo eegin uun inay ka tirsan yihiin ama xilal ka hayaan xisbiyada, balse waa in ansixintooda lagu saleeyo dhammaanba shuruudaha laga doonayo oo ay ka mid yihiin in xubinta ka mid noqonaysa Komishanku ay ku sifawday dhawrsannaan, sharaf iyo caddaalad bulshada dhexdeeda ah, halka sidoo kale ay muhiim tahay in si gaar ah fiiro loogu yeesho inay caafimaad ahaan fayawyihiin jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

Haddaba, maadaama uu sharcigu qeexay shuruudaha ay tahay inay buuxiyaan xubnaha Guddida Doorashooyinku, isla markaana ay hadda horyaalaan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waa in la iska yareeyo buuqa aan faa’iidada badan inoo lahayn, lagana fogaado wax kasta oo qardo-jeex ah, laguna hareer marayo sharciga inoo yaal.

Mudane Maxweyne Muuse dalka ka da,hagardaamada iyo waxyeeladda iyo isqabqabsigan aan dhamaadka laheyn .waxaad tidhaahdaa sharciga ayaan ilaalinayaa adigaana  jabinaya –

 
Ahmedbudul@hotmail,com
Ahmed Ismail

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker