“Meeshii 100 qof ku filnaayeen ay inoo joogto 500 qof, walina waxaan rabnaa inaa shaqo abuurno, taasi shaqo-abuur maahaa waa…”

Hargeysa (OWN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta Daah-furay Qorshe-hawleedka shaqo ee Shanta Sanno ee soo socda ay ku hawl-gali doonto Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland.

Qorshaha maanta la daah-furay oo maamulka Hay’adda Shaqaaluhu diyaarinteeda ku hawlanaayeen labadii bilood ee u dambeeyey, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii shaqaale-weynaha dowladda loogu jeexi lahaa nidaam shaqo oo lagu jaan-go’an qorsheyaasha horumarinta qaran oo la jaan-qaadaya nidaamyada caalamiga ah.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadal Madaxweyne Ku-xigeenku ka jeediyey munaasibadda daah-furka qorshahan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker