Yoweri Museveni Oo ku Faanay Hantiile Daacad ah kana Fog Tuuga-nimo iyo Musuq-maasuq.(Sawiro)

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo maanta Dadweyne badan oo Taageersan kula hadlay magaalada Kampala ayaa ku faanay in uu yahay in daacad ah oo ka fog tuugnimo iyo musuq maasuq.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Museveni in uusan waligiis qofna wax ka xadin sidoo kale uu yahay qof Haysta Hanti badan oo ku filan, wuxuuna weerar ku qaaday dadka musuq maasuqa hantida ka sameeyay.

”Weligay qofna waxba kama xadin mana ihi qof sabool ah, dadka musuq maasuqa sameeya ayaa ah kuwa ugu xun maxaa yeelay waxa ay ku taajirayaan lacag aysan shaqaysanin,’ ayuu yiri Madaxweynaha dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa talada dalkaasi hayay mudo aad u fog , waxaana marar badan uu sheegay in uusan sameyn musuq maasuq taa badalkeeda uu si weyn ula dagaalamo musuq maasuqa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker