Sariiga Taariikhda iyo Sluuga Soomaalida

Sariiga Taariikhda iyo Sluuga Soomaalida

Beryahan, gaarahaan intii ay R/W Abiy iyo Lemma Magarsa isku dhaceen, waxa isgaarssinta qabsaday faalooyin ku aadan cidda dhaxal u leh raqdii laga kiciyey TPLF. Waxa carabka aad loogu xajiyaa “Guusha ay Dhalinta “Qeero soo hoysay.”

Arintaas waxa looga dan leeyahay in Oromo ay qaadato talada Itoobiya dhaxalkii TPLF ka tagtayna iyadu qaybiso.

Sidan oo kale waxa ku soo maalay TPLF oo odhan jirtay dhiigii dhalinta Tigree ayaa dalkan xoreeyey. Meles iyo xulifadiisuna maba qarxin jirin.

Markii uu suxufigii xeeldheeraha ahaa ee Suudaaniga, AU Sayyid Khaliifa, xasuusiyey Meles in dhalinyarada Soomaalidu dhiig badan ku daadisay ladagaalankii Xaylayaashii (1963-1991), sidii caadada u ahayd Meles wuu inkiray halgankii Soomaalida.

Xiliyadii 1994 ilaa 2018, dhalin Soomaaliyeed oo aad u badan ayaa TPLF iyo EPRDF wiiqisay, dhiig badana ku daadisay.

Hadeeto Geeshkanagu miyaanu xabashida iyo Itoobiya kaba gadmin? Anigoo soo dhoweynaya mudadii gaabnayd ee kacdoonka dhalinta Qeero iyo Fannoba (Axmaaro) dagaalameen, kan Soomaaliga ah ee sida ba’an u dagaalamay maxaa loo xurmayn la’yahay?

Waxaan ka geynwaayey su’aashi uu isweydiiyey AU Ina Kaariye oo mar ahaa M/W kuxigeenka DDS: “war horta Itoobiya ma anagaa diidan mise iyadaa ma diidan?”

 

Faysal Rooble

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker