Maxa sababey innu hore uu guuleysan waayo kacdoonka shacabka Algeria sida kacdoonka shacabka Sudaan u guuleystey.

Dalka Algeria oo ay hoggaamineyso Jabhadda waddani ee xoreynta Aljeeriya ( FLN ) wuxu soo marey taariikh ku dhehan tahey halgan adag oo qadhaadh oo boqolaal kun ku naf waayeen, boqolaal kalena ku naafoobeen ( Inkasto masuulinta Algeria ay sheegtaan hal million oo shahiid iney ku dhinteen halganka dib uu xoreynta dalka lagaga xoreynaayey mustacmarka Franciska ). Mustacmarka Fransisku wuxu damcey innu dalka Aljeeriya ka dhigo dhul uu leyahey oo qeyb ka ah dalka Fransiska, waxaanu ku soo daabuley dad badan oo fransis ah oo tiradoodu gaadheyso hal malyuun oo qof ( Siday sameeyeen Caddaanki South Afrika iyo Isreal ). Fransisku marku waajahey Halgaanka adag aakhirki wuxu yaqiinsadey innu xukunka ku wareejiyo jabhadda Waddani ee Xoreynta Aljeeriya ( FLN ) heshiiska ‘’Evian Accord ‘’ 1962.

Jabhadda FLN Waxey uu qeybsaneyd laba garab oo midna ah garabka siyaasiyiinta oo debedda joogey waqtigi halganka sida Masar, Tunis, Pakistan iyo meelo kale, waxaana hoggaaminey madaxweynihi uga horeyey Aljeeriya mudane Axmed Bin Billa. Garabka kale wuxu aha garabk askarta waxaana hoggaaminaayey Hawaari Boumediene oo 1965 inqilaabey madaxweyne Axmed Bin Billa, marku isku dayey Axmed Bin Billa innu casilo qaar ka mid ah kaadiriinta sare xisbiga FLN ee muqarabinta Hawaari Boumedien sida Cabdi Caziiz Boutafliqa oo noqdey wasiirkisa arrimaha debedda ilaa inta uu dhintey Hawaari Boumedien 1978. Madaxweyne Hawaari Boumedien madaama uu halganka ka wadey gudaha dalka wuxu indhihisa ku arkey dulmiga, midab takoorka iyo xasuuqa uu mustacamarka fransisku u geystey shacabka reer Aljeeriya. taasana ku keliftey innu’ uu janjeedo garabka bidix ee Camp ka hantiwadaag, waxaanu uu hurey hanti badan oo ka soo xaroota wax soo saarka shidaalka ay Aljeeriya hodan ku tahey dib uu xoreynta iyo madax bannaanida Afrika iyo dawladaha adduunka sedexaad ee reer galbeedku gumeystaan/ gumeysan jireen.

Marku geeriyoodey madaxweyne Hawaari Boumediene waxa taladi dalka la wareegey colonel Jaadli Bin Jediid oo aha ninka darajada ciidanka ku xigey. markiba bilaabey innu siyaasaddi Hawaari Boumediene wax ka beddelo, muqarabinti ( kaadiriinti xisbiga ee ku dha dhawa Hawaari ) innu ka siifeeyo manaasibta sare xisbiga FLN iyo xukuumadisa sida wasiirka arrimaha debedda Abdelaziz Boutafliqa iwm. Dhaqaalihi badna ee ku bixi jirey mucaawinooyinka dawladaha shisheeye wuxu dib ugu jiheeyey horumarka waddankisa oo dib u dhac weyn ku yimid intu Hawaari xukuunka hayey. 1988 waxa bilabmey kacdoono shacbi oo isbedel doon ah, taaso ku keliftey madaxweyne Jaadli innu sameeyeyo nidaamka siyaasi ee axsaabta badan ( Multiparty system ). 1990 wuxu qabtey doorashadi golaha deegaanka iyo Barlamaanka waxa aqlabiyaddi labada gole ku guuleystey jabhadda badbaadada ee Islaamiga ( Islamic Salvation Front ISF ), dhacdadaaso war war xoog leh ku dhalisey dawladaha reer galbeed ee marinka Badda Cad wada wadagaan. Waxaana markiba dhacey afgambi military oo xukuunki laga qaadey madaxweyne Jaadli Bin Jadiid. Waxaana bilaabmey qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeye oo boqolaal kun oo dad ah ku naf waayeen iyo khasaare dhaqaale oo badan, ila inta madaxweyne .

Madaxweyne Abdelaziz Boutaflika wuxu ku guuleystey doorasho dhacdey 1999 isago heysta taageerada militariga ee awoodda badan. Madaxweyne Boutifliqa sii uu xaaladda siyaasadeed uu dashiyo wuxu markiba soo saarey decreto uu ku cafinaayo cid kasto dagaalada sokeye ka qeyb gashey..wuxu qaadey oloole diblumaasiyadeed sii uu soo celiyo sumcaddi Aljeeriya. Madaama Aljeeriya hodan ku tahey shidaalka wuxu uu adeegsadey hanti badan sii uu helo taageero shacbi gaar ahaan galbeedka Aljeeriya ee uu ka soo jeedo sida Tlemcin oo uu galiyey balaayiin dolaar sii uga dhiso jaamicado, Kaaba yaasha dhaqaale, gagida diyaaradaha, huteello, matxafyo, qasaro madaxtooyo, iwm. Doorashooyinka uu qabtana isaga mar walba ku guuleysan jirey madaama uu gacanta ku hayey awooddi dalka ee dhaqaale iyo military.

Haddab waxa dhacdey Cabdo Qalad fil xisaab marku isa soo sharaxey markisi shanaad isago dhawr sanno naafa aha oon shacabka marna toos ugala hadal fagaarayaahs guud. Waxaana dalka maamulayey qoyskisa iyo muqarabintisa. 16 February, 2019 aya shacabka Aljeeriya bilaabey kacdoon shacbi uu ku diidan yahey musharaxnimdisa, taaso sii xogeysatey oo u baabac dhigtey awood kasto la isku dayey in lagu damiyo kacdoonka waxaaney aakhirki ku khasbeen innu militarigu ku amro innu xukuunka ka dego, dhawr qof oo muqarabiintisana xabsiga la dhigo se weli taladi dalka waxey gacanta ugu jirta militariga iyo rejiimki Boutafliqa oo ku baaqey innu qabanaayo doorashooyin gacan ku rimis ah. shacbka Aljeeriyana wuxu dalbanaya in lakala diro madaxda dawladda Boutafliqa waanu diidan yahey innu galo filimka muddada dheer lagu hor jilaayey.

 

La soco qeybana kale
Eng. Bashe (Ismail ) Cabdi Gaboobe ), MA in Peace building from Coventry University
Email : gaboobe _3@ Hotmail. com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker