Ku soo dhawoow Somaliland, hadaad doonto.

Garoonka diyaaradaha Cigaal: Qofka Baasboor Somaliland ku soo gala, bilaash buu ku gudbayaa, kii mid shiheeye sitana waxaa laga qaadaa $60, waa hadii Aadan sidan kan Soomaaliya. Inta aad gudaha ku jirto waxaad dareemaysaa nabad iyo shaqo wanaagsan. Marka aad Soo gaadho Shandadahaaga, haddaad laba shandadood sidato, waxaa dhacda in Afar shaqaale ihi ay wada jiidaan, markaad gaadho tagsi khasaba ah oo $20 lagaa doonayo ee ay shandadaha kuu saaraan, waxay taabtaan jeebka bidix ee shaadhkooda, $5 qofkiiba soo sii bay ku odhanayaan,waa $20 kale, hadaad tidhaahdo waayo, waxay kuugu jawaabayaan ‘ dhididkayaga xalaasha ah nagu sii ” hadda 10 talaabo ka yar inta ay tagsiga usoo socdeen.
Dalxiiska:Waxaad Magaalooyinka waaweyn ku arkaysaa dhismayaal aad u qurux badan, hoteeladii oo si ka wacan sidii hore kuu soo dhawaynaya, gaadiidka dadweynaha ee gobolada u kala goosha oo wakhti kasta kuu diyaar ah, Tagsiga dhaweeye oo aad u dhego nugul, cuntooyin kala duwan oo qaarkood laga soo amaahday dhaqamo kale, Hilibka iyo Caanaha xoolaheena oo kala jaad ah, isla markaana ah kuwa ugu macaan uguna badbaado badan xagga caafimaadka.
Dhinaca Diinta: waa markii iigu horaysey noloshayda ee aan arko Masaajiddo la soo buuxinayo inta badan Shanta Salaadood ee waajibka ah, waxaa iyaduna mucjiso ah sida aynu mar qudha isugu bedelay Kaabuul, haweenku 90% waxaad arkaysaa iyagoo xijaaban, halka 80% ay niqaaban yihiin, mararka qaarkood waxaad arkaysaa wax ka talaabo weyn haweenkeena oo niqaaman iyo daaman dhaqdhaqaaq badan. Weliba waxaan joogey goob Dahabshiil Bank ah oo aad u qurux badnayd, iyadoo haweeney niqaaman loo adeegayey. Masaajiddadu iyagoo isku dhow ayay dhamaantood codbaahiyayaal ku addimaan, ku aqiimaan oo weliba ay dadka ku tujiyaan, inta badan Saacad ayay qaadataa inta codbaahiyuhu ka aamusayaan, iyaga oo kala dambeeya awgood.
Dhinaca nolosha dad weynaha: sidaad qiyaasi kartaan, way dacdaraysan yihiin, welwelka nolosha waxay ku qariyaan kaftan iyo qosol. Waa bulsho u adkaatay sida Askarigu dagaalka ugu adkaado. Iimaanka dadku qanjaha ayuu joogaa, waa muslimiin qadarka Alle aaminey, jacaylka nabadduna uu ka dhab yahay. Wareegtadii curyaanada ee xukuumaddii hore ee Kulmiye wax saamayn ah oo ay yeelatay ma jirto, sidii bay dabada ugu socdaan markay makhaayadaha wax ka cunayaan ama ay adeeg uga baahdaan hay’adaha dowladda, ku soo dhawow gobanimada reer somaaliland iyo gunnimada Siyaasada. Hadaad doonto weeye.
Dhinaca Waddooyinka: caasimadda inta badan dadku waxay gaadhiyada ku kaxaystaan xagaafyo dhib badan oo ay iyagu banaysteen, markaad gobolada u kala baxaysana inta badan waa laami googo’an. Haddaad reer bari tahay, markaad dowga Sheekh marayso waxaad ku waalanaysaa ‘Alaahu Akbar’ sida ay qorayaan calaamadaha keliya ee aad halkaa ku arki karto. Ma jirto calaamad sheegaysa meelaha aan la isku dhaafi karin, la dhaadhacayo, xowliga badbaadada iyo dalcadaha. Sidii bay waddadu u halis badan tahay, waxaa maraya gawaadhi 80% ah kuwa dhinaca khaladka ah laga wado, iyadoo ay dheeryihiin kuwa kala qalooca, qaar cagaagan, kuwo cawaran iyo qaar qiiqoodu ku indho tirayo. Darawalkaygu sodon sanadood ayuu gaadhi wadey, haddana weligii muu maqal in laydhka ceeryaamadu jiro, masaxayaasha muraayadda wuxuu u kaydsadaa roobka oo qudha, halkuu kulaylisada shidan lahaa qaboojiyaha ayuu noo dalacay,si dhididka baqdintu nooga yaraado. Waxaa shacabka lagu soo rogey inay imtixaan u galaan kaadhka wadista, inkastoo calaamadaha badbaadada waddooyinka ee caasimaddu ka kooban yihiin, lama geli karo iyo tan muujisa in aanay gaadiidku iska hor iman, haddana waxaa imtixaanka lagu qaadaa calaamadaha Caalamiga ah. Somalilaan ma waxay u baahan tahay mishiinka ciladaha gaadiidka sheega, mise makaanigiin indhaha ku kala saari kara gaadhiga waddada inuu u qalmo badbaado ahaan iyo kan khatari ka soo socoto?.
Sharciga iyo u hogaansamida: Waxaad ku arkaysaa waddooyinka, Askari jejebinaya gaadhi dadweyne, si qaadiro, kibir iyo aqoon daro ka muuqato, haddana waxaad la kulmaysaa darawal iyadoo xaaskiisii la socoto, hadana gacmaha u duubanaya Sarkaal ciidan, Sarkaalkaas oo doonayey in uu waddada ka weeciyo si wadaagga waddadu u sahlanaato. Inta og waajibaadka iyo xuquuqda muwaadinka iyo tan ciidanku ma badna. Ka feejignow halista dhiiranaanta askari qof madax ah ilaalinaya.
Hawada: Waa xiliga ugu habboon cimilada wadankeena, Hargeysa waxaan ku soo beegmay iyadoo dhoobada biyuhu keeneen ay qalalayso, boodhkuna yahay sida Burco lagu jareexeeyo, markaan qiimeeyey, Mindiyaha misigta ugu xidhan qaar ka mid ah dadka Caasimadda isugu yimi, waxaa kugu soo dhacaya wax kale oo iyana Burco lagu xaman jirey.
La soco qaybta labaad oo aan idiinku soo gudbin doono wixii aan ka fahmey, jaho wareerka dadweynaha, doorashooyinka dib loo dhigay iyo dib usii riixidda qaar kale, dhako faarka gaabiska ku yimi dhaqaalaha,faham li’ida dadweynaha halkaynu ku socono, saadaasha hogaaminta dalka, waxa inala gudboon iyo waxa xisbiyada mucaaridka loogu bixiyey ” Seenyo “.
Bashiir Tarabbi Oogle.
Somalilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker