Yuhuuda Oo Wali Wadda Dilalkii Ay Ka Wadday Daanta Galbeed ee Falastiin

Milatariga Israel ayaa wali wada dilalka ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee ka soo jeeda dalka Falastiin.

Wiil da’yar oo 18 jir ahaa ayaa milatariga Israel ay ku toogteen habeenimadii xalay daanta Galbeed.

Falkaan ayaa waxaa ka carooday hogaamiyeyaasha Falastiin kuwaasi oo ku baaqay dibadbaxyo xoogan oo saacadihii la soo dhaafay gilgilay daanta galbeed iyo deegaanada kale ee Isreal ka heysato shacabka Falastiin.

Wiilka la dilay oo wasaarada caafimaadka Falastiin magaciisa ku sheegtay Badaawi Masalmah ayaa milatariga Isreal ay diideen habeeninadii xalay in meydkiisa la qaado.

Ciidanka Israel ayaa aalaaba toogata dadka rayidka ah ee ku nool daanta galbeed iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in qatar ay ku yihiin amnigooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker