Sheekh Shariif iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Doorashooyinka

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

 

Sheekh Shariif iyo Donald Yamamoto ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay siyaasadda dalka Soomaaliya iyo arrimo kale.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa kala hadlay Danjire Donald Yamamoto aragtida madasha xisbiyada qaran ee geedi socodka Doorashooyinka 2020/2021.

 

“Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada xisbiyada siyaasadda” ayuu yidhi Shariifka.

 

Intaas ayuu sii raaciiyay hadalkiisa “Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker