Nibiri soo Caaryay Oo Qashinkii Ugu Badnaa Laga Helay Calooshiisa.(Sawiro)

Xeebta jasiiradda Harris ee ka tirsan Scotland waxaa kusoo caariyay Nibiri weyn oo bakhti AH , waxaana caloosha Nibirigan laga helay qashin aad u badan oo nuucyo kala duwan leh .

 

Caloosha Nibirigan Xeebta kusoo caariyay ayaa laga soo saaray qashin aad u badan oo  ay kamid ahaayeen Shabaqyada lagu kalluumeysto, xargo, caagagga xarig ahaanta u sameysan ee kartoomada lagu xirxiro, baco iyo waxyaabo kale.

 

Warbaahinta ayaana Booqatay  Xeebta uu kusoo caariyay nibirigan bakhtiyay ee calooshiisa laga soo saaray qashinka aadka u badan, waxaana sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday nibirigan ka muuqda qashinka caloosha nibiriga laga soo saaray.

 

Khubarada ku xeel dheer cilmiga xoolaha gaar ahaan nolosha nibiriyada ayaa sheegay in aysan wali kala cadeyn in geerida nibirigan sabab u aheyd qashinka badan ee laga soo saaray calooshiisa.

Xubno ka tirsan waaxda baaritaanka ku sameysa xayawaannada kusoo caariya xeebaha ayaa dhacaan ka qaaday nibirigan si ay u ogaadaan sababta rasmiga ah ee keentay dhimashadiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker