Madaxweyne Muuse Biixi Oo Abaal-marino ku Sagootiyay Komishankii Doorashada ku Saaciday.(Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagoon ah la qaatay komishankii hore ee doorashooyinka ee dhawaan xilka ku wareejiyey Komishanka cusub ee lagu muransan yahay.

 

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii komishanka hore, ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq lagu fooladaynayo shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi usoo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadkoodii usoo guteen.

 

Madaxweynaha, ayaa Xubnahan hore ee Komishanka Doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay dalka usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada, waxana uu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen.

 

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweynuhu xubnaha Komishanka Doorashooyinka Guddoonsiiyey Shahaado-sharafyo mahadnaq ah oo ka markhaati ah shaqadii ay Somaliland usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda u hayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker