Maxaad kala Socotaa Isbadal Sanadkan ku Yimid Dhaqaalaha Turkiga?

Dhaqaalaha Turkiga ayaa kordhay 0.9% rubacii saddexaad ee sanadkan, marka loo bar-bar dhigo sanad ka hor, taasi oo soo geba-gebeysay saddex rubac oo hoos u dhac xiriir ah.

Dhaqaal-yahanada ayaa sadaalinayey inu dhaqaalaha uu rubaca saddexaad ee sanadkan kordhi doono 1%, waxaana la filayaa inuu guud ahaan sanadka uu kordho 0.5%.

 

Dhaqaalaha Turkiga ayaa caadiyan sanad kasta kordha 5%, hase yeeshee qiimo dhac 30% oo ku yimid lacagta dalkaas ee Lira ayaa sare u qaaday sicir-bararka, islamarkaana dhaawacday dhaqaalaha.

 

Sare u kaca dhaqaalaha ee rubaca saddexaad ayaa waxaa xoojiyey qeybta beeraha dalka oo sare u kacday 3.8%, halka warshadaha ay heleen koror ah 1.6%, ayada oo dhaqalaaha kasoo xorooda adeegyada uu sare u kacaya 0.6%. Si kastaba, qeybta dhismaha ayaa hoos u dhacday 7.8%.

 

Bishii October, bankiga dhexe ayaa heerka dul saarka hoos u dhigay 14%, taasi oo gaarsiisay 24% guud ahaa hoos u dhigga uu sameeyey tan iyo bishii July, markaasi oo dhaqaalaha uu gaaray dhaawac xooggan.

Dowladda ayaa saadaalineysa in dhaqalaaha uu sanadka 2020 kordhi doono 5%.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker