Daawo: Kooxda Leicester City ayaa soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay ka Riixday kooxda Man City

Daawo:Kooxda Leicester City ayaa soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay kala baxeen kooxda Manchester City ka dib markii ay xilli danbe 2-1 kaga badiyeen kooxda Everton.

Jamie Vardy ayaa kansalay gool uu Everton hogaanka ugu dhiibay Richarlison, iyadoo xiddiga reer Nigeria Iheanacho uu goolka guusha u dhaliyay Leicester City waqtigii dhimashada weliba daqiiqadii 4aad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray.

Waa guushii lixaad oo isku xigta ee Premier League oo ay Leicester City gaarto waana markii ugu horeysay ee ay sidaasi sameeyaan.

Leicester ayaa haatan soo yareysay hogaanka horyaalka ee Liverpool oo ay sideed dhibcood ka dhigeen.

 

Chelsea ayaa kaalinta afaraad ku jirta iyagoo seddex dhibcood ka hooseeya kooxda Manchester City oo kaalinta seddexaad u soo dhacday.Tottenham iyo Wolves ayaa ku kala jira kaalimaha shanaad iyo lixaad inkastoo ay wada leeyihiin 20 dhibcood. Sheffield United iyo Arsenal oo kaalimaha 7aad iyo 8aad ku kala jira ayaa leh min 19 dhibcood halka Man United oo kaalinta 9aad ku jirta ay ka mid tahay seddex kooxood oo min 18 dhibcood leh.

 

Halkaan hoose kaga bogo miiska kala sareynta Premier League:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker