Hogaamiyayaasha Khaliijka Oo Ku Shiraya Riyaadh

Hogaamiyaasha dalalka Khaliijka ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, waqti xiisadaha siyaasasadeed ee ka taagan ay sii xoogaysanayo.

 

Shir madaxeedkan oo noqonaya kii 40-aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ee magacooda loo soo gaabiyo (GCC) ayaa loo qorsheeyay in uu dhaco 10-ka Diseembar, sida la shaaciyay maalintii Arbacadii.

 

Xoghayaha guud ee GCC, Abdulateef bin Rashid Al Zayani, ayaa ku yiri hadal uu soo saaray hogaamiyayaasha Khaliijku waxay qabsan doonaan shirkoodii sanadlaha ahaa waxana ay ku gurfayn doonaan xaaladaha siyaasadeed ee taagan iyo xidhiidhka caalamiga ah, dhinaca amniga gobolka iyo saamayta uu yeeshay sanadahan u dambeeyay.

 

Shirkan ayaa hore loogu qorsheeyay inuu ka dhaco Imaaratka, mase cada sababta keentay in loo wareejiyo Riyaadh oo ah boqortooyada Sucuudiga.
Dalalka ka soo qayb galaya shirkan ayaa kala ah Sucudiga, Imaaraatka, Baxrayn, Cumaan iyo Kuwayt, waxana ka maqnaan doona dalka Qatar oo kaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker