Hogaamiyaha Mucaaradka UK Oo Sheegay Inuu Joojin Doono Hubka Laga iibiyo Sacuudiga

London(OWN)- Hogaamiyaha  xisbiyada   mucaaradka ee shaqaalaha  UK Jeremy Corbyn ayaa sheegay in uu joojin doono hubka ay UK ka iibiso boqortooyada Sacuudiga oo dagaal kula jirta xuutiyiinta Yemen.

 

Mr Corbyn ayaa balan qaaday hadii xisbiga shaqaalaha uu ku guuleesto doorashada guud ee ka dhaceysa UK uu gabi ahaanba meesha ka saari doono ganacsiga hubka ee kala dhaxeeya wadanka Sacuudiga.

 

Xilli uu khudbad la xiriirta ololaha doorashada dhaceysa ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in uu ka shaqeyn doono joojinta dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda dalka Yemen.

Khudbada Jeremy Corbyn ayaa la xidhiidhay oo kaliya siyaasada macaamilka arimaha dibada UK hadii uu xilka hanto doorashada 12-ka bishan ka dhaceysa UK.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker