Dawladda Kenya Oo Loo Doortay Hoggaanka Ilaalinta Badaha Bariga Afrika

Dowladda Kenya ayaa ku guuleysatay cod bixin loo qabtay dalal dhowr ah oo ku tartamay hoggaanka ilaalada xeebaha ururka caalamiga ee Badaha oo ka dhacday magaalada London ee   Ingiriiska.

 

Kenya ayaa horay ma jaraha ugu heysay ururka caalamiga ee Badaha, waxaana kadib doorashadii labaad oo Kenya ay ku guuleysatay ay wakiil ka ahaan doontaa dalalka bariga Africa ee Burundi, Jamhuuriyada Congo, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.

 

Wasiirka Badaha dalka Kenya Nancy Karigithu ayaa sheegtay in dib u doorashada Kenya ee hoggaanka ururka caalamiga ee Badaha ay ka dhigan tahay in shaqo badan ay ka qabatay dowladda Kenya in si nabad galyo loo isticmaalo biyaha bariga Africa.

 

Inta badna madaxda ugu sarreysa dalal badan oo dhaca bariga Africa ayaa dowalada Kenya ugu hambalyeeyey in markale dib loogu doortay hoggaanka ururka caalamiga ee Badaha.

Warkan ayaa ku soo beegmaya,xilli muran ku saabsan Badda uu u dhexeeyo dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo haatan dacwaddiisy hortaallo maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ.

Wasiirka Badaha dalka Kenya Nancy Karigithu

https://www.theeastafrican.co.ke/news/ea/Kenya-retains-seat-at-maritime-council/4552908-5369174-ffmosaz/index.html

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker