Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dabo-Dhilif (DHUUNI-RAACA) Iyo Qabyaaliga Maxaa Keena?

DABO-DHILIF(DHUUNI-RAACA) IYO QABYAALIGA MAXAA KEENA?

 

Waa arrimo u baahan in dadweynaha la fahamsiiyo, lana barto waxa keena iyo waxyeelooyinka ay leeyihiin. Bal aynu ku horrayno sifaynta “Dabo-dhilif.”

 

DABO-DHILIFKU WAA MAXAY?

 

1.Waa inuu daaqgeeyo calooshiisa.
2. Waa inuu ka fekero oo keliya wax uu dhuunta mariyo (dhadhabo/quud).
3. Waa shiqsi ka arradan iimaanka.
4. Waa qof caydh ka ah caqliga suubban iyo garashada wanaagsan.
5. Waa ruux saboolka ah diin iyo damiir wanaagsan.
6. Waxa uu wax ku arkaa ama ka maqlaa waa hunguriga.
7. Farxaddiisu waa sanqadha lacagta.

 

WAA MAXAY SHAQADIISU?

 

Shaqadiisu waa kiroole qof ah. Hadba cidda afka wax u gelisa ayaa iska leh fekerkiisa iyo caqligiisaba. Afkiisu waa mikirifoon ay ku hadasho hadba cidda wax ku shubataa.

 

 

La soco
Qore: Keyse-iftiin