Haweeneydii u hanjabtay Ilhaan Cumar oo Ciqaab Adag kala kulantay Shirkada Twitter

Washington (OWN) – Shirkadda baraha bulshada ee Twiter ayaa xidhay akoonka ay barta twiter-ka ku laheyd haweeney lagu magacaabo Danielle Stella, oo katirsan xisbiga madaxweyne Donald Trump.

 

Haweeneydan oo doorashada soo socota dooneysa in kursiga aqalka Kongreska ee Minnesota kula tartanto Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twiter-ka kusoo qortay in Ilhaan Cumar la daldalo iyadoo Sabab uga dhigtay eedeymo ay u jeedisay.

 

Wargeyska The Washington post ee dalka Mareykanka oo soo wariyay Xanibaada Accounkeeda LA Xanibay  ayaa Shaagay in Haweeneydan u hanjabtay Ilhaan ee  Lagu Magacaabo Stella oo ciwaankeeda ololaha doorashada uu ahaa @2020MNCongress ay eedeyn u jeedisay Ilhaan, waxaana twiter-ka ay ku qortay: ” Haddii la xaqiijiyo in Ilhaan ay macluumaad ah xasaasi ah u gudbisay dalalka Iran iyo Qatar.

 

waa in la maxkamadeeyaa, laguna soo ogaa khiyaan qaran oo la daldalaa”.

 

Waxaa kale oo ay Stela sheegtay in Ihaan ay dalal shisheeye u gudbisay maclumaad sir ah oo ku saabsan dalka Mareykanka, waxaana ay intaa ku dartay oo baraha bulshada ay soo dhigtay sawir muujinaya Ilhaan Cumar oo la daldalayo.

 

Tanina Waxay Daba  Socotay eedaymo

maalmaihii lasoo dhaafay Ilhaan Cumar loo jeedinayay eedeymo ah in dalalka Qatar iyo Iran ay u gudbisay xog sir ah oo ku saabsan Mareykanka, inkastoo aan lasoo bandhigin wax cadeymo ah oo arrintaas la xidhiidha Xildhibaamaf ra, Ilhaana Gaashaanka ayay ku dhufatay waanay  beenisay eedeymahaas.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker