14 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Kaniisad ku Taalla Burkina Faso.

Ugu yaraan 14 qof ayaa maalintii Axadda ahayd lagu dilay Burkina Faso , kaddib markii ay rag hubaysan ay xabado ku fureen dad ku cibaadaysanayay kaniisad.

Bayaan ay soo saartay dawlada ayaa lagu xusay in dad badan ay sidoo kale ku dhaawacmeen, bale weli lama xaqiijinin sababta ay raggaasi u bartilmaamsadeen Kaniisadda.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dalka sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo badanaa weeraro ay dad xagjir ah ay soo qaadeen.

Bishii October, ayaa weerar masaajid lagu qaaday waxa ku dhintay dad gaaraya 15 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker