Cali Gureeyow Adiga Waatii Boqor Buurmadaw Ku Sheegay in Aad Fakinka Ku Dhalatay, Gudoomiye Cabdirashiidna Ha Ku Daalin

Waxaan jecelahay in aan qoraalkan kaga jawaabo hadalo deel-qaaf iyo kef ah oo ka soo yeedhay Cali Gurey, isaga oo ah shaqsi caan ku ah xumaanta, shaqsi nacaybka, reer nacaybka ,qabyaaalada iyo wixii la mid ah, taasoo ay u dheertahay afxumo joogta ah oo uu kula kaco shaqsiyaad qarankan sumcad iyo maamuuska ku leh sida gudoomiyaha cusub ee gudida doorashooyinka qaranka Eng, Cabdirashiid Maxamuud Cali.
Waxaan tixraacayaa shirkii jaraa’id ee Cali Gurey, uu maanta ku qabtay magaalada Hargeisa, isaga oo ku tilmaamay gudida doorashooyinka qaranka kuwoaan sii shaqayn karayn mar hadii ay gudoomiye u doorteen Cabdirashiid Riyo-raac, sidoo kale waxaa uu sheegay in Cabdirashiid yahay babaane qarxaya oo madaxweynaha looqariyey.
Hadaba waxaan leeyahay Cali Gurey, horta haddii cidi qarxayso adiga ayaa qarxaya, Cabdirashiidna waa shaqsi uu madaxweynuhu iyo ummadduba ay kalsooni buuxda ku qabto, guddida doorashooyinka qarankuna waa kuwo sharci ah oo shaqadooda gudanaya, cid wax kaa waydiinaysaana ma jirto, taas ku biyo cab, wax gaadhanayaana ma jiraan.
waxaanse kugula talin lahaa kolay afxumada waad u dhalataye, waxaa kuu haboon adiga oo taga xisbiga wadani, si caydaada iyo afxumadaada ummaddu u wada aragto, waayo maaha markii u horeysey ee aad ku hadashid hadalo liita oo aan lahayn milgo iyo maamuus toona, horey waxaad u af-lagaadaysey guddomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan oo ah shaqsi dalka iyo dadkaba ku leh maamuus, boqor Buurmadaw baad af-lagaadeysey oo wado iska kaa mariyey, maantana gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka ayaad af-lagaadaynaysaa, lakin ma jirto cid aad wax ka qaataysaa habayaraatee.
Gudoomiyaha gudida doorashooyinka somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali, waa shaqsi leh aqoon, kibrad shaqo, sidoo kale ah shaqsi nadiif ah oo la soo tijaabiyey shaqooyin qaran oo badana soo qabtay, sidoo kale waa shaqsi dabeecad iyo akhlaaq leh, kana soo bixi kara masuuliyada uu u dhaartay ee qaranka, waa shaqsi dalka iyo dadkaba u xaqsoori kara.
Mana aha shaqsi maanta way wax yeelayso afxumada cali Gurey, waa gudoomiye maanta ummadda oo dhami u aragtay in uu yahay shaqsi ku haboon shaqada qaranka ee loo xil-saaray kana soo bixi karaa sida ugu wanaagsan ee shaqo loo maamulona u maamuli doona.
Waxaan leeyahay Cali Gureeyow af-xuma nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto, ha karaamo seegin Cabdirashiid gaadhi mayside.
Waxaa kale oo aan leeyahay Cali Gurey, kula yaabi mayo oo waatii Boqor Buurmadaw u sheegay in aad ku dhalatay fankinka, taas ayaa muujinaysa xumadaanta kaa muuqta iyo hadalada aan milgaha lahayn.

Cabdilahi Axmed, Cabdilahi Yare, Hargeisa.
Email: Baxaarasaaf40@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker