Qabawgii Xalay: Xasuusta Cimiladii Baakistaan iyo Xaaladda Dibadyaalka!

Xalay waxa Hargeysa ka dhacday dhaxan lagu astayn karo “tii dambeeraha dili jirtay”. Qadhqadhyo ayay lahayd. Waxa aan hambalyo, duco iyo maamuus u dirayaa geesiga aan abtiga u ahay Cabdirisaaq Rakuub oo la dareen noqday ama u damqaday dadka xiskooda laga qaaday ee dibad-yaalka ah. Waxa uu sameeyay wax ay tahay in lagu daydo. Guryihii ayaa koodh lagu xidhnaa maxaad u malayn dibjirka, danyarta iyo dadka nool xanuunnada dhimirka?

Xasuustaydu waxa ay dib ugu noqotay 2007-2008 oo aan ku noolaa cimilada ugu kakan. Haddii ay gabadano, gawro, gabax iyo dayra-dhaaf jiraan, waxa aan Baakistaan ku arkay dhaxan aanan abidkay dhaayaha saarin. Buuraha joogga dheer waxa guudkooda ku samaysma baraf, dhulka simanna waxa ku xeerma qabaw xad-dhaaf ah. koodh, funaanad, garan iyo shaadh ayaan korka ku xidhnaa. Laba surwaalna waa aan iska dul gashanaa. Gacan-gelisyo iyo sharabaaddo ayaa intaas ii raacayay.

Madaxana koofiyad wareegsan oo illaa dhegaha ku dhaw ayaa ku daboolnayd. Habeen aan eegay heerkulka Islamabad waxa uu ahaa 1o celcius. Wax yar ayuu ka korreeyay heerka biyuhu ku fadhiistaan. Xilliga jiilaalka, waxa ay maalintu noqon jirtay siddeed saacadood, waxaana looga faaiidaysan jiray in la soomo..

Waxa mahuraan ahayd in la shito kulayliye (heater). Waxa lagama-maarmaan ahayd in la diiriyo biyaha xilliga la maydhanayo iyo xilliga weysada labadaba, haddii kale waa in qubaysiga la daayo ama la gebagebaysto.

 

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker