BARNAAMIJKA MIIDDA MAAHMAAHDA Qaybta 4aad Ee Maanta Iyo Keyse-iftiin

Hal-xidhaalihii qaybtii 3aad waxa uu ahaa:
“Waxaad sheegtaa inta micne ee erayga “sur” leeyahay.”

Eraygaas qofna nasiib uma helin inuu micneeyo. Waa nasiibdarro muujinaysaa heerka aynu ka joogno aqoonta afkeenna hooyo. Waxa inala gudboon inaan fahamno in afku yahay nimco Rabbi inoo dooray, kana mid ah aayaadkiisa, loona baahan yahay in la ilaaliyo oo aqoon loo lahaado.

 

MICNAYNTA HALXIDHAALIHII QAYBTII 3AAD:

ERAYGA “SUR” WAA:
1. Qoorta ( surka qabo..).
2. Malabka nooc ka mid ahna “sur” baa la yidhaa.

 

MAAHMAAHDA MAANTA

1. Aan dubanno iyo aan karsanno fuudkaa ku luma.
2. Aan ku bariyee meel baydhsan seexo.
3. Aano inaadeer baa u dhinta.

 

HAl-XIDHAALAHA MAANTA

Waxaad sheegtaa inta micne ee erayga “GAN” leeyahay.

 

Ku soo hagaaji jawaabta:
Maale22000@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker