Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ma Dhabaa Ina Cabdulle Xasan Waa Gabyi Jiray? Q.4aad.

Waxay isku raaceen Siicid Samatar  Aw Jaamac iyo gacan-yare Axmed Cali Faarax Idaajaa in Maxamed Cabdulle Xasan maanso curinta mar kaliya uun bilaabay 1904tii dagaalkii Jidbaale ka dib isagoo firxad ah oo xagaas iyo Suldaan Cismaan Maxamuud magan galiyo ka raadinayey. Ka dibna suldanakii ku wacad furay gagaygana ka tiriyay dhibaatadii u soo maray.

 

“ Gabayga Jiinlay waxa lagu tilmaamaa oo la odhan karaa waa “ cabasho/calaacal tol” . Wuxu gabaygu ka saabsanyay laba arimood, khiyaamadii Cismaan Maxamuud iyo dagaalyahanadii Ogaaden oo dagaalka kaga baxay (gabayaaga tolkii).[1]

 

Gabayga Jiinley wax aan ahayn nimanku waraystay Aw Jaamac mooyee wax cadayn ah inu ina Cabdulle Xasan lahaa oo gabaygiisii ugu horeeyay ahaa lama hayo. Waana arin shaki  mug leh marka gabayga aftahanimadiisa la eego , sumad u gaar ah oo lagu gurto ciidi tirisayna aan la hayn ka sokow waraysiyadii Aw Jaamac. Waxa se gabayga ka muuqata inu tiriyey nin ku lug go’ay miciin bidkii Boqor Cismaan u miincsanday , sidu gabayaagu sheegay wuxu ahaa nin nabad qaba oo xarunta iska jooga . oo halkaas ku ladan oo ka cibaadaysta aan wax dhibaatada ba qabin ka hor Suldaankaas u yeedhay ,  tucdayadan, wuxu gabayaagu odhanayaa , marku ka hadlayo sidu u ladanaa ka hor safarkaas bada iyo Majeerteen ka:

Jundigii xigaaliyo anoo, jooga gurigeyga

Anigaan jareexiyo iyo xumaan, juuq la ii orannin

Anigaan rag ii soo jifraday, jil iga qaadeynin

Anigoo jalaalada dhigtoo, diinta jibanaaya

Anigoo Jameecada galoo, jaaruun xarunteyda

Anigoo wixii aan jantaba, jimic la ii siiyo

Jamradii adduunyada anoo, jimicnimaw haysta

Karuur jagagaclayn iyo anoo, jaanaka fuudahaya

Anigaan jarraysimo hunguri, la iga jeeqaanin

Jaanjaanni baa iga khatalay, johoraddeydiiye

Hawo nimaan ka jigan baan ahoo, jiira dheer koriye

Waxaan ahay nimaan jare aqoon, sida jaguug awre

Jawaawida Majeerteen hadday, Jalawdi ii yeedhay.

 

Gabayga waxa ka muuqata in ninkanaas gabyay la lug gooyay oo la “khatalay” oo nin kale oo “jaanjaani” u ku sheegay oo arimihiisii ka kala tuuray. Isaguna inaanu arintaas ka fiirsan, sidaas na u ku tagay Carro Majeerteen iyo Xeeb. Dhowrka tuduc eek u xiga wuxu gabayaagu kaga hadlayaa sidu Suldaanku ugu yeedhay iyo wanaagii hore ka dhaxeeyay iyo sidu ugu loogi jiray hadana ay ku abaal fureen.

 

Haddaan Boqor jawaab iiga iman, bad uma jeeleene

Jirku ima xanuuneen hadduu, jog I leeyahayee

Jeclaantaan u qabay baan u tagay, jaankii badihiiye

Jeer baa Ilaah ii qaddaray, jiirahaan maraye

Jiidaha in meel loogu wado, jaahil baan garane

Waxse igu jirrabay waa, ninkii jookha ii lulaye

Cayuun jalalowleyn iyo raggaan, jeer fardaha siiyey

Jaamus lo’aad iyo raggaan, jimir aruu dhiibay

Amaan lacag jiriidaa furoo, jeebka uga buuxshay

Waxaan gool jinaad weyn qaloo, joome uga gooyey

Xeeraha jiriidhaa waxaan, jaari ugu qaaday

Waxaan ramag jimiimici murkaha, uga jufsiinaayey

Waxaan ilaxir jeexya leh aroos, jalalamluu hooyey

Jirjir malaba iyo foon waxaan, jil uga yeelaayey

Waxaan jaawiduu shiday intaan, jalamadduu shaahshay

Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhowraayey

Inay jarax abaala iiga dhigi, laabtu jirin meyne

Jisadeyda Eebbaan ka heli, talaba waa jeere.

 

Gabayga kama muuqato nin baxsad ahaa oo dagaal soo maray  oo ciidan dhan ku daba jiro inu tiriyay , waa xaalada ina Cabdulle Xasan ku sugnaa xiligaas. Mida aan marnaba suurta gal ahayn ee la ogsoonyahay ee gabaygan cadaynaysa inaanu ina Cabdulle Xasan shaqo ku lahayn waxa weeye , wakhtigaas dagaalkii Jidbaali  Daraawiish iyo Boqor Cusmaan wanaagba kama dhaxayn oo mudaba col bay ahaayeen.

 

Hadayunu tusaale kale soo qaadano labada gabay ee Somaalidu aad u jeceshay maqalkiisa oo ah labada gabay la yidhaahdo wuxu loo tiriyay Cali Jaamac Haabiil, inakastooy labada gabay badanaa laysku qaso. Midna loo bixiyay “ XUSEENOW NINKII HAGAR YAQAAN” oo u  Aw Jaamac yidhi waxan ka qoray Cabdi Cali Guuleed sanadkii 1957kii. ka kalana loo bixiyay “HANFI IYO HUNGRIGA SOO DHACA” oo isna u yidhi waxan ka qoray nin la odhan jiray Xaaji Axmed Aaden Surgo sanadkii 1956kii. Labadaas gabay waxa ka muuqataa in Cali Jaamac Habiil loo tiriyay , se suaashu waxa weeye yaa tiriyay?

 

Marka u horaysaba qofka gabayga u fiirsada waxa ku soo dhacaysa arinta ah in labada gabay is burinayaan oo nin qudhaa aanu tirin. Taas waxa u cadayn ah labada gabay nina Hartida ayuu gabayga ku amaanayaa , Isaaq iyo Cali Jaamac Haabiil na ku higaadinaya oo kaliya, oo Ciisaa iyo Gedabursiga sida gabayyga kale kuma soo darayo reerahaas, Xaga Daaroodkana waa kala xulanayaa isagoo Hartida kor mariyay oo amaan gaar ah huwansiiyay. Midhka ugu mehiimisan se waxa weeye gabaygaas (Xuseenow Ninkii Hagar Yaqaan) marna gabayaagaasi Daraawiish sooma hadal qaadayo iyo Ingiriis ba, wuxu u eegyay nin reer nimo uun ku jawaabaya, ee aanu Daraawiish la socon kana mid ahayn. Wuxu gabaygu odhanayaa:

 

Harti nimaan aqoon baa yidhaaha, hadalka qaarkiise

Waa niman hurmuud wada ah iyo, hanadyo waaweyne

Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas koro’e

Daroodku waa wada halyey, kalase hayb roone

 

Waxse heer leh haad Farenji iyo, harabka Iidoore.

Habar Yoonis iyo Reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan

Iyo Caliga hoosada Berbera, huluqa jiidaaya

Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye.

XUSEENOW NINKII HAGAR YAQAAN gabayaas oo ah gabayga kale ee ”H’da” ah, Harti  waa ku kala saarayaa gabayaagu, Hartida laftooda na wuxu ka amaanaya oo qudha Dhulbahnate ( inakstoo tuducas shaki leeyahay oo aanu ku jirin gabayga asalkiisii) inta kale na waa ku higaadinayaa gabayga, sida Majeerteen ka iyo Warsangaliga. Ka dibna wuxu u galayaa Isaaq , Ciise iyo Gedabursi kunna gabagebaynayaa ujeedadiisa oo ahayd Cali Jaamac Haabiil , isagoo gabayaagani ka muuqato inu Daraawiishta u xaqlinayo ama kaba mid yahayba sidu gabayga ku sheegayo.

 

Hawa beena Soomaalidaa, hadafka raacdaa leh

Hadal ruma Daraawiishta iyo, weli hanoonaa leh

Raggii diinta hooyga u noqdiyo, hanad Shirshooraa leh[2]

Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh

Wixii habar Majeerteen iyo, halamash naagaa leh.

Hammuunaan damayn iyo, hunguri lala hadaaqaayo
Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefaayo
Warsangeligu heybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh.

Xaal hadura Habaryonis iyo Herer nin joogaa leh[3]

Ciisaha baqtiga hiigayiyo, haqay midgaan baa leh

Huurale Cali Jamaac iyo, huluq dameer baa leh

Hal madow higgaad iyo Quraan, Ha iyo Wow reebban

Harannimiyo hooyaale gabay, heello iyo maanso

Nin kaleba naftiisa ha hafree, hoodo anigow leh

Sidu Aw Jaamac Cumar Ciise ku sheegay Diiwaanka ina Cabdulle Xasan gabaygan sababta keentay inay ahayd Cali Jaamac Haabiil oo ku soo gabyay, gabay aan la hayn oo u ku jiro tuduc ah.

 

“Dameerkaa hariiryaha leh iyo, heer Dhulbahantaa leh”

 

Aw Jaamac wuxu gabaygaas iyo jawaabihiisa xilli ahaan ku qiyaasayaa in laysu mariyay waayaday Daraawiishtu dageen Taleex 1913kii wixii ka danbeeyay, arintaas se wax daliil ah oo loo hayo ma jirto. Cali Jaamac Haabiil maansadiisu ma soo gaadhin xiligaas ee gabayada Daraawiishta isu mariyeen ama reerka Dhulbahnate. Waxay ku beeganaayeen gabayadaasi xiliyadii 1900 ilaa 1904tii. Gabaygiisa ugu horeeyay ee Daraawiish u mariyay “ Maxamed Waal” dagaalkii Jigjiga ka 1900, gabayga ugu danbeeyana “ Ma Talyaanigaas baa Mahdi ah” kaasna wuxu oo ku beeganaa waagay Dhulbahnatu u soo qaxeen dhanka Isaaqa oo ka soo yaaceen Daraawishta. Waa qixii kowaad ee Dhulbahnate oo oo bilaabmay 1902dii[4] dagaalkii Beerdhiga ka dib ilaa kii Jidbaale ee 1904tii socday, qaxaa hore Dhulbahnate wuxu ka soo laabtay oo dagaamadoodii ku laabteen heshiiskii Illig ka dib 1905tii. Qaxa labaad waa kii Xaaraame Cune ka dib 1910kii, kaas oo ay ku guryo noqdeen markii dib Daraawiishta looga rixxay dagaamada bari wixii ka danbeeyay 1914kii.

 

Tudacaas Aw Jaamac iyo qolyahaasi sheegeen inu gabay ku bilaabay Cali Jaamac Haabiil ee u Dhulbahnata ku masaalayo dameerka gumburiga , gabay jiray ma ahayn . Waxa taas inagaga filan Enrico Cerulli oo 1916 kii gabayada qaar ka qoray nin la odhan jiray Siciid Cawaale oo ahaa jilibka Cali Jaamac Haabiil. Enrico Cerulli isagoo qoraaladiisa ku sheegaya sidu gabayadan u bilaaby hawshooda wuxu arinta u sheegayaa sidan:

“ Waxan gabayadan iyo maah-maahooyinkan soo socda ka soo ururiyay askari la yidhaahdo Siciid Cawaale oo ka mid ah qabiilka Habar Awal reerka Ciisa Muuse ka sii ah reer Baale dagaan ahaan ( British Somaliland) ah. Af aan ahayn afkiisa na aqoon, wuxuna dalkiisa uga soo dhoofay oo Assab u yimi inu ciidanka Benaadir is qoro.  Markaas waxan ka uruiyay suugaan badan, oon hadaba aan qeyb daabici doono ayagoo ay la socodaan suugaanta aan ka soo ururiyay lahajadaa kale sida Majeerteen ka , Hawiyaa iyo Majeerteen ka Hubyo.”[5]

Siciid Cawaale isagoo u waramaya Enrico Cerulli oo dhowr gabay oo Daraawiishtu soo tariyeen sheegaya ayaa wuxu Enrico taariikhda ugu waramayaa sidan:

 

“Ingiriisku si u jawaab ugu helo cayda faraa badan ee ka iman jirtay gabayaaga Daraawiishta ama gabayaaga Wadaadka. Waxay soo dhawaysteen gabayaa reer Berbera ah oo Habar Awal ah oo la odhan jiray Cali Jaamac oo ka gabyi jiray guusha colka Ingiriiska.  Arintaas oo ka keentay jawaabo xun dhanka Daraawiishta.”[6]

 

Siciid Cawaale ma odhan ina Cabdulle Xasan baa gabyi jiray ama soo jawaabay, ee wuxu u tebinayaa warka sidu taariikh ahaan goob joog ugu ahaa , oo xaqiiqadu ahayd in ciidanka daraawiishtu ama gabyaaga daraawiishta gabayadan faraa badan soo tirin jireen ee aanay marna ahayn gabay hal nin lahaa. Siciid Cawaale gabaygaas “HANFI IYO HUNGURIGA SOO DHACA” wuxu Enrico uga sheegay dhowr tuduc oo wuxu u tiryay sidan”

 

Dameerkaa hariirya iyo heer Dhulbahnataa leh

Haduu awrku heeryada rido hoogay Arab baa leh

Gadh hunguri Habar Yoonis iyo Herer nin joogaa leh

Hargo qudhun ah Muuse Carii hooli jiray baa leh

Waxa Habar Xabuusheed ah iyo hoolif dacwaaa leh.

Waxa Habar Majeerteen iyo halamash naagaa leh.

Huuraale Cali Jaamac iyo huluq dameer baa leh.[7]

Tuducaasi (Dameerkaa hariirya iyo heer Dhulbahnataa leh) sidaas u sheegay Siciid Cawaale ayuu wuxu raacsanaa gabaygaas ee ma jirin gabay u Cali Jaamac Haabiil Dhulbahnate u tiriyay oo weedhahaasi ku jiraan, haduu jirana Siciid Cawaale oo Cali Jaamac Haabiil beeshiisa ah ma seegeen , haduu isaga seegayna Soomaali haysa gabaygaas ama ka maqashay dhowr tuduc lama waayeen , ee gabaygu wuxu hal tuduc u yahay waxa weeye gabaygu ka mid ahaa iyo kaalintu kaga jiray ayaa lagu badalay :

Raggi diintu hoy u noqotay iyo hanad Shirshooraa leh.

 

Waxay u muuqataa arintu inu gabayga  Hanfi iyo Hunguriga soo dhaca u horeeyey oo nin Darawiishta ka mid ahaa u tiriyay reeraaha Somaliland daga oo dhan , oo Harti iyo Isaaq , Ciise iyo Gedabursiba gabayga ku caayay , Daraawiish oo kaliya ahna ku amaanay, sida ka muuqataba gabayga. Ka dib markii gabaygaas u tiriyay ninkaas hore ayaa nin Dhulbahnate ah gabayga ka xanaaqay oo kii hore ugu jawaabay inaanu Harti aqoon „ HEER ku sheegaynaya in Isaaq ku eegyay ka dibna u tiryay gabaygaas loo bixiyay Xuseenow Ninkii Hagar Yaqaan.

Nina Daaraawiish ta ayu ka mid ahaa oo reera oo dhan wuxu ku caayay Gaalo raacnimo iyo ceebo kale , Daraawiish kaliyana wuu amaanay , nina reernimo ayuu gabayga u soo galay isagoo diidan tuduca HEER ka gaar ahaan iyo Harti da cayadooda guud ahaan, Isaaqna ku caayay HEER kii Dhulbahnataa ninka hore ku sheegay, se marna Daraawiish amaantoodaiyo Ingiriis ma soo hadal qaadin.

 

Cali Jaamac Haabiil gabayga Xuseenow Ninkii Hagar Yaqaan ayuu ka jawaabay oo labada gabay horeeyay, wuxu na yidhi isagoo ninkaa hoosta ka gabayay u jawaabaya:

 

Hawaraarta gabay waayadheer haabka kuma hayne

Hiyigayga waataan ka jaray himiladiisiiye

Ma hirgaliyo maaonsooyinkii aan habayn jiraye

Hurdaduu xalay iigu yimi goor habeen badhah’s

Ha’da aan ka dayo waa murti tii aan hayn jiraye

 

Hadaad ku hamidoo damacdo, oo talo ku soo hoyso

Hagaradaamo Aadane, inaanad dib ugu hawshoonin

Habaar qabe mid, shaydaan wataan kaa hadhayn adiye

Hal yaroo su’aal iyo jawaab aan idin haleelsiine

Haye dhaha dhegeystoo warkana hooyga naga geeya

 

Hadhuudhkuba haddaan laga hufinoo ciida laga haadin

Halal dhagaxa kama weydid aad gawska ku heshaaye

 

Hadii geed hadh weyn leeyohoo uu hadhsado maalku

Aan hogosha roob qaban in badan hadhacna u yeesho

Habaas lagama waayiyo kudkude boodh ku hoos jira’e

 

U hagaagtayaa iyo halaag qoorta galiyaaba

Nin habaabay meeshu qabtaa waa Alla hortiise

Hortaada banaan nin u socdaa ceebta huriwaaye

Halis weeye waayeel siduu doono u hadlaaye

 

Hawlaha haweenk iyo raggaa lagu hubshaa taase

Habalhaa cadayn kara hadaad yare heshiisaane

Hubka dumar miyuu leeyahaan hoyga kula seexday

Ma hugaan ka dhigay aan aroos shin ula haasaaway

Ma haweynaydii aan qabaa hooge laga yaabye

Huluq dheeridayda iyo siduu ku arkay hoostayda.

Hadal ileen lafaha lagama guro horeba loo sheegaye.[8]

 

Gabayada Cali Jaamac Haabiil ee u tiriyay Daraawiishta waxa inta la hayo ugu horeeyay kii u tiriyay waayaday Daraawiishtu kaceen 1899-1900 ee dhulka Xabashida ama Galbeedka u carareen dibyaaqadii 1899kii. Gabaygaas oo Siciid Samatar u bixiyay Maxamed Waal[9]. Cali Jaamac Haabiil wuxu si maad ah ugu diganayay itaalka Daraawiish ta iyo jabkoodii labadaas gu’o . Gabaygaas Cali Jaamac reer gaar ah ma abaarin , ee gabaygu wuxu kaliya ee ku eegyay ina Cabdulle Xasan .

 

Mudadii ka danbaysay 1900 waxa bilaabmay dagaaladii Daraawiishta iyo Sooomaalida oo markaas Ingiriisku hogaaminayay hub iyo saraakliina siiyay. Mudadaas dhexdooda ciidanka Ingiriiska waxa boqolkiiba boqol la odhan karaa waxay ahaayeen Isaaq ( dagaaladii Afbakayle , Fardhidin iyo Beerdhiga ama Eerego)  , waxaana keentay , labadii sanadood ay Daraawiishtu jirtayba ( 1899-1901) ka hor intaan Ingiriis kay sheegayeen la dagaalamin ,  ayaa waxay dhac iyo duulaano ka qaadeen , Habar Yoonis ( 1899),   Habar Awal ( 1900) , Ciidagale (1900) , Daraawiish oo reeraa Daaroodka markaas ciidan u ahaayeen marmarna ay xulufi la ahaayeen gaar ahaan Ogaadeen iyo Dhulbahnataa ba. Gabaydu ma yarayn lays waydaarsanayay , gabayadaas oo qolyaa Daraawiishta la socoday Isaaqa ku gaalayn jireen ayagoo markaas jihaad iyo mujaahidiin is biday. Gabayada xiiliyadaas laysu mariyay ayaan daro badankood waa lumeen u badana weliba dhanka Isaaqa, waxa laga hayaa tuduc tuduc buugaagtaas reer Europe qoreen, sida tuducan oo kale:

 

Janadii baa loo galahayey Isaaq ugu jid boodaane?

 

Maadaama ciidanka wadaadka xilliydaas Cali Jaamac haabiil gabayay u badanaayeen Dhulbahnataa gaar ahaan, guud ahaana Daaroodka , gabayga Cali Jaamac Haabiil ugu horayn wuxu ku jihaysanaa nimankaas Isaaq gaalo ku sheegayay. Gabayga Cali Jaamac Haabiil ee la yidhaahdo ina Cabdulle Xasan ayuu u tiriyay xaqiiqadii ina Cabdulle Xasan araarta ayuun bu ku daray mooyaane gabayga ubucdiisa wuxu ula jeeday Dhulbahnate oo u sheegayo, inay maanta jabeen oo runtii ogaadeen waxay Isaaq gaalo ku sheegaanba.  Wuxu Cali Jaamac Haabiil gabaygiisii ugu danbeeyay oo ku beegnaa waagay Dhulbahnatu jabeen( 1902-1904) ee u soo qaxeen dhinaca Isaaq daraawiishna ka firdhadeen, wuxu yidhi isagoo xasuusnaya dadkay gaalayn jireen iyo halkay maanta ku danbeeyeen :

 

Toogtii horeetuu Isaaq taw ka soo yidhiye
Tamaratii Ilaahay ka qaad timihi Daaroode

Ararsame ma toocsado fardaha takhantakhoodiiye 

Barkadkii tumaatida caddaa tuhunki beenowye 

Maxamuud Garaad tukuntukhuu weli la taahaaye 

Tiir laguma oga Bah Aararsame tahara weyntiiye 

Tafantoofe nimankii Nugaal tayse ku ahaaye 

Garaadkay tumaaluhu dileen taawishaa darane 

Tolkood nimankii iibsaday Ilaah tacabkii wuu siine 

 

Tawstuna Cali Geri bay ku hadhi tan iyo xaataaye 

Talaatiinka Ramadaan ninkii idin takliifaayey 

Tawxiidka Eebiyo sharciga idin taraarsiiyey 

 

Hadii teerigii idinku dhacay nalagu taamaayey 

Haddaba tooga baxa waa janada talalaxdeediye 

Tureecada day waataad kufriga nagu tilmaanteene.[10] 

Tunka ka leefa dhiiga iyo ilmada idinka tiixaysa 

 


[1]Oral Poetry and Somali Nationalism: The Case of Sayid Mahammad ‘Abdille Hasan.p.157.

[2] Halkaas tuducii asalka ahaa ee la qoray 1916kii wuxu odhanayaa “ Dameerka hariiryaa leh iyo heer Dhulbahnataa leh”. ”. CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916.p.802

 

[3] Tuducii asalka ahaa ee la qoray 1916kii wuuxu odhanayaa “ Gadh hunguri Habar Yoonis iyo Herer nin joogaa leh”. CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916.p.802

 

[4] 1903 [Cd. 1394] Africa. No. 1 (1903). Correspondence respecting the rising of the Mullah Muhammed Abdullah in Somaliland and consequent military operations, 1901-1902.p.63.

[5] CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916. Rivista degli studi orientali .Vol. 7, Fasc. 4 (Settembre 1918).p.798.

[6] CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916. Rivista degli studi orientali .Vol. 7, Fasc. 4 (Settembre 1918).p.801.

 

[7] CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916. Rivista degli studi orientali .Vol. 7, Fasc. 4 (Settembre 1918).p.802.

[8] Waxa ku jira 40 maanso oo maansooyinkii raggi hore ah waxaana soo habeeyey qore Cabdi Mire Cali. 27/3/1984.

 

[9] Gabaygaas “ Maxamed Waal” isagoo dhamays tirin Siciid Samatar oo duubtay 1977kii ayuun baa haya inta la ogyahay , oo buugiisa isagoo Ingiriisi u tarjumay ku soo daray.

[10] Turuxyada day waa tay kufriga nagu tilmaameene.